Innaa lillaahi wa innaa ilayhi rajicuun MAANSO BAROOR DIIQ AH  GEERIDA “XAJI CABDI WARAABE” By: Ali Xaruuri

Wixi Yidhi Abwaanku:

Dhaaxaa rag go’ayoo

godka aynu dhigaynoo

geeri aan u joognee

tani goba’di weeyaan 

 

Warkan galabta noo yimi

gundhigiisu wuxuu yahay
geestii loo badnaa buu
CABDI uu guuroo
guula kaxaystee

 

 
ALLAH  gocasho weynaa 
galiilyadani kululaa 
murugadu gun dheeraa
 
 

XAAJIGU ma guurtiyo

Gallad EEBBE  siiyuu

gayigan u ahaayoo

ka tilmaaman GEESKEE

ma galbaday halyeygii
 
guurti buu ahaa dhaba
nabadda u guntada oo
qaranimada gaadh ka ah

abaalkii u noo galay

Alluun baa u gudi kara

 

TAWXIID baa ku gaadhane

Calankan guudka sudhan baan

maanta gaabin laayoo

gunta aan ku simi laa

e GUULLAAN  ka baqayaa

 

gebagabadii maansada 

Somaliland guud

goluhuu ka baxay iyo

eheladiisa gaarka ah

tacsi baan u gudbinayaa

 

isna guriga Aakhiro 

inu galo fardowsaan

guula uga tuugee

Aamiinta ila gura

Aamiin Aamiin Aamiin

By: Cali Xaruuri

Rotterdam, Holland