Maayarka Gabiley Ayaa Tacsi Tiiraanyo Leh U Diray Qoyskii Iyo Qaraabadii Uu Ka Baxay AHN Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf “Xaaji Abdi Waraabe

Mayarka Degmada Gabiley Maxamed Aamin Cumar Cabdi Isagoo Ku Hadlaya Magaciisa, Ka Shacbi Weynaha Gobolka Gabiley Waxa Uu Tacsi Tiiransiyo Leh U Diraya Qoyskii , Eheladii Iyo Qarankii Uu Ka Baxay Alle Ha U Naxariistee Xaaji Cabdi Waraabe Oo Ka Mid Ahaa Golaha Guurtida Somaliland Laguna Xasuusto In Uu Ahaa Qaamuus Tallo Loola Noqdo Sidoo Kalena ku Suntanaa Nabad Jaceyl , Waxa Uu Ahaa Marxuumku Ahaa Rukun Ka Mida Rukamada Qaranka Somaliland Ku Aas-Aasmay, Tusaale Fiicana U Ahaa Dhammaan Hal-Doorka Somaliland, Tan Iyo Maalintii Uu Kaalin Qaadayna Waxa Lagu Yaqaanay Diin Jacayl Dad Ururin Iyo Daacadnimo,

Waxaan Umada Islaamka , Bulsho Weynta Somaliland Ka Tacsi Yadaynaya Geerida Ku Timid Marxuum Xaaji Cabdi Waraabe Waxanan Bulshada Somaliland Ugu Baaqayaa In Ay Guntadaan Weeleyaan Qisooyinka Dhaxal Galka Ah Ee Uu Inooga Tagay Alle Qabriga Ha U Nuuriyee Xaaji Cabdi Waraabe Tusaaleyaal Fiicana Laga Qaado Sida Uu U Nabad Jeclaa U Ahaa Nabadoon, Samo Talis Ah

Waxaan Mar Labaad Anigoo Ku Hadlaya Afkayga , Afka Dadweynaha Reer Gabiley Si Gaara Tacsi Ugu Dirayaa Qoyskii Iyo Qaraabadii Uu Ka Baxay Alle Ha U Naxariistee Xaaji Cabdi Waraabe Sidoo Kale Waxaan Tacsi Taas La Mida U Diraynaa Qaranka Oo Dhan Alle Ha U Waasiciyo Qabriga. Alla Mahad Leh