Madaxweynaha Jsl Oo Cafis Kusii Daayey Maxaabiistii Lagu Soo Qabtay Dagaalkii Tukaraq, Xilli Ay Wali Maamul Goboleedka Puthland Ka Waddaan Deegaanadaasi Xaalado Sansaan Colaadeed.

Faallo Wareed-Cafiska Maxaabiista ee Madaxweynaha Somaliland  iyo Dhaqdhaqaaqyada Colaadeed ee Maamulka Puthland.

Hargeisa(GNN):- Waxay Ahayd Dhawaan 27 bishan may oo lagu gudo jiro bisha barakaysan ee ramadaan kadib markii uu madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland mudane Muuse biixi cabdi uu cafis madaxweyne kusii daayey Maxaabiis gaadhaysa 14 qof oo lagu soo qabtay dagaalkii Somaliland iyo maamulka puthland ku dhexmaray deegaanka tukaraq oo ciidamada qaranka Somaliland si rasmiya gacanta ugu dhigeen kadib markii ay maamul goboleedka puthland oo ay dabada ka riixayso dawlada Somalia ee fadhigeedu yahay xamar, kaas oo ciidmada qaranka Somaliland tiraba dhawr jeer oo isku day dagaalo gaadmo ah oo ay kusoo qaadeen maamulkaasi ku fashilmeen kadib ay ciidamada qaranka kagaga qabteen maxaabiis tiro badan oo ay ku jireen kuwan hadda madaxweynuhu cafiska u fidiyey.

Dhanka kale madaxweynaha qaranka Somaliland mudane muuse biixi cabdi ayaa khudbadii uu ka jeediyey munaasibadii qaran ee 18 may ugu baaqay dawlada farmaajo iyo maamulka puthlandba in  qaranka Somaliland uu diyaar ula yahay wada noolaansho shacabka ku dhaqan gobolada barriga somaliland iyo xuduudaha u dhexeeya Somalia uu dhankiisa balan qaadayo in qarankiisu diyaar u yahay wada noolaansho bulshadaasi laga fikiro sidii ay u heli lahaayeen baahiyaha aas-aasiga ah ee ka jira deegaanadaasi, sidaas si lamidana ganacsiga iyo isku socodka bulshadu noqodo mid madax banana oo aaney jirin wax qabad ku noqda, dhinaca kale madaxweyne biixi waxaa uu balan caqaaday in uu sii dayn doono dhammaanba maxaabiistii lagu soo qabtay dagaaladdii dhexmaray ciidmada qaranka Somaliland kuwa maamul goboleedka puthland.

Waxaana Talaabadaasi uu madaxwenynuhu ka rumeeyey maalmo kooban kadib iyadoo uu digreeto madaxweyne ku amray in lasii daayo maxaabiistaasi.

Maamul goboleedka puthland ayaan iyagu wax jawaab cad ah ka bixinin siidaynta maxaabiistaasi iyo In iyagu ay siidaynayaan haddii ay jiraan maxaabiis ay kusoo qabteen dagaaladaasi dhexmaray sanadihii u danbeeyey.

Balse waxaa taa badalkeeda maamulka puthland uu bilihii u danbeeyey ku hawlanaa sii hurinta colaadaasi iyo sidii uu hadba u soo hubayn lahaa ciidan beeleedyo uu inta badan kagaga abuuro colaado iyo barakac shacab deegaaanadaasi barriga ee xuduudaha Somaliland iyo maamulka puthland.

Waxaana labaddii cisho u danbeeyey maamulka puthland xubno ka tirsan wasiirada maamulkaasi ee kasoo jeeda degmada badhan iyo deegaanada hoos yimaadaa ay ka wadeen xaalad abuur iyo hurinta colaado hor leh oo ay bulshada dhulkaasi ku galinayaan dagaalo iyo isku dayo in ciidamada qaranka Somaliland eek u sugan ay ku qaadaan weeraro abuura colaad.

Arrinta iyo Talaabooyinkan hurinta colaado soo noqda oo dhexmara ciidamada qaranka jsl iyo kuwaasi ay maamul goboleedka puthland ay bilihii u danbeeyey ku hawlanaayeen ayaa kusoo beegmaysa wakhti uu madaxweynaha qaranka jsl dhankiisa ku baaqay wada noolaasho iyo ka feejignaanta wax kasta oo sababi kara dagaalo soo noqda oo saameyn ku yeesha dadka deegaankaasi.

Halka uu dhinaca dawlada Somaliland ooda ka qaaday dhamaanba maxaabiistii hore loogu soo qabtay dagaaladii dhexmaray Somaliland iyo kuwa maamul goboleedka Somalia.

Isku soo duuduuboo Dhaqdhaqaaqyada ay Maamulka puthland ka wadaan gobolada barriga ayaa sabab u noqon kara dhibaatooyin iyo colaado hor leh oo kusoo noqda deegaanadaasi iyagoo bulshada ku wada nool ka dhex abaabulaya ciidan beeleedyo sokeeye iyo in ay qayb ka noqdaan dagaalo mar kale ka qarxa oo dhexmara ciidamada qaranka Somaliland oo wakhtigan heegan buuxa ku jiran iyo kuwa ay soo abaabulayaan maamulka puthland.

 

Hargeisa Somaliland
Contactgabileynews@gmail.com
Axmed Osman Almis.