Madaxweyne Muuse Biixi Oo Amaro Culus Faray Wasaarada Gaadiidka, Taliyaha Booliska Iyo Laanta Nabad Galyada Wadooyinka Somaliland

Hargeysa(GNN):-Madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa amaro la xidhiidha nabada galyada wadooyinka faray wasaarada gaadiidka, taliyaha ciidanka booliska iyo laanta nabad galyada wadooyinka.

Image result for madaxweyne muuse biixi

Madaxweyne Muuse Biixi oo war saxaafadeed uu soo saaray kaga hadlay shil naxdin leh oo ka dhacay inta u dhaxaysa deegaanada Xamaas iyo Lafa ruug ee gobolka Saaxil ayaa amray in la fuliyo sharciga wado marista gaadiidka, waxaanu tacsi u diray ehelada todoba ruux oo ku geeriyooday shilkaasi.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada somaliland ayaa lagu yidhi “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa qoysaska, qaraabada, ehelada, asxaabta iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee dhammaan Marxuumiinta ku geeriyooday shil baabuur oo sababay dhimashada todoba ruux (7 qof) kuna dhaawacmeen afar ruux, ka dib markii ay isku dhaceen laba gaadhi oo kala ah Bas rakaab siday oo ay leedahay shirkadda Dalmar iyo gaadhi weyn oo ah nooca loo yaqaano candha-maydle. Shilkaas oo ka dhacay inta u dhaxaysa Lafa-ruug iyo xamaas ee gobolka saaxil maanta oo ay taariikhdu tahay 07-05-2019 .

Sidoo kale madaxweynuhu wuxuu ku adkaynayaa mulkiilayaasha gaadiidka, shirkadaha gaadiidka ee gobolada isaga goosha, iyo wadayaasha gaadiidku inay u hoggaansamaan shuruucda gaadiidka iyo waddo-marista muujiyaana masuuliyada nafaha muwaadiniinta ay qaadan iyo ilaalinta maalka gaadiidka.

Madaxweynuhu wuxuu wax laga damqado ku tilmamay halista iyo khataraha soo noq-noqday ee shilalka gaadiidku sababeen oo khasaare naf iyo maalba leh u geystay muwaadinta Jamhuriyada Somaliland.

Waxaanu madaxweynuhu farayaa wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka, taliyaha ciidanka Booliska iyo laanta nabad-gelyada wadooyinka inay fuliyaan awaamiirta iyo sharciga gaadiidka iyo wadidooda, isla markaana waajibaadkooda ka gutaan cid kasta oo baalmarsan shuruucda wadida gaadiidka iyo masuuliyada saaran.

Madaxweynuhu wuxuu marxuumiintaas ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoysaska, qaraabada, ehelada, asxaabta iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, ee ay ka baxaeena samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. Inta dhaawaca ahna caafimaad sareecana siiyo.

ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.