Maxaad Ka Taqaan Mahadhadii Taariikheed EE General Maxamed Xasan Cabdilaahi (JIDHIF)? Qaybtii 3aad.

“Halyeey Libintiisa ay qireen cadawgii ay is hayeen”
Qaybta 3aad
W/Q:Cabdikariim Muxumed Cadde(Qaamuus)

Qaybtii hore waxay inoogu joogtay ciidankii Cabdi Casiis Cali barre oo la wareegay dhamaan deegaamadii xeebta. Iyo jidhif iyo ciidankiisii oo xoog ku jiidhay ciidankii jabuuti kadibna u talaabay xaga itoobiya.
Jidhif iyo cabdi casiis sidaan hore idiinku sheegay waxay ahaayeen laba sarkaal oo isku kuliyad ah oo ka wada yimi ruushka. Hasayeeshee imika xaalku waa ka duwan yahay casharkii lagu wada qaadanayay kalaaska oo afka ayaa buuri la iskaga tufayaa oo cididaa uskageed la isma amaahinayo. Cabdi casiis cali barre ciidankan uu wato waxaa loogu bixiyey 77 waa ciidamadii ka qayb qaatay dagaalkii 77 ee wacdaraha ka soo dhigay.waa ciidamo hore loo soo jirabay,la soo tijaabiyay oo aan galowda aqoon .waxayna ahaayeen ciidan badankoodu ku soo tababarta jarmalka oo ka duwanaa ciidamadii soomaaliya. .
ciidankuna isku mid maaha markuu dagaal hore galay iyo markuu ku cusub yahay dagaalku. oo sawaxanka rasaasta ayuu didaa ka cusubi bilowga horeba. laakiin ragani waxay ahaayeen rag aan dhaqaaqayn Oo yaab lahaa hasayeeshee wax ka yaabiyay ayaa helay waa guutadii 99aad oo aan libiqsanayn.
Intaas kadib jidhif waxuu sameeyay intuu ciidamadiisii isku soo dubariday sahaydi iyo saanadiina meel soo saartay ayuu waxuu bilaabay dagaal ku dhufoo ka dhaqaaq ah(Gorrila warfare) waxaanu kolba weerar ku qaadaa fadhiisamada ciidamadii cabdi casiis ee isku balaadhiyay Deegaamadii xeebta. Waxaanu weerarkii u horeeyay kaga bilaabay ceel gaal .waxyaabaha u gaarka ahaa ee guusha ay ku heli jireen waxaa ka mid ahjidhif iyo ciidankiisu waxay dhagaysan jireen oo ay fasiri jireen afgarashada iyo baaqa ciidanka kadibna iyagoo xog dhamaystiran haysta ayay hawlgali jireen. Taasina waa xeel dagaal oo halis ah ta kale ee la yaabka lahayd waxay ahayd; jidhif iyo guutadiisa 99aad habeenkii oo dhan way socon jireen, minasubaxda intaan waagu dilaacin ayuun bay weerer kadis ah ku qaadi jireen iyagoon filaynba ciidanka Cabdi Casiis oo iska war la .waxaase taa ka sii darnaa ciidanka jidhif dhamaantood waxay qasnada hore ee bilowga rasaastooda ka dhigan jireen tarays miidhan.kadib markay ka dhex toosaan oogta waaberi ee ay rasaas wada tarays ah dhan walba kaga afuufaan dhulkuna wada casaado ee dhinbiilo mooyee wax kale la arki waayo,waxaa ku dhici jirey sas iyo argagax ciidanka cabdi casiis. Maxaa yeelay,Rasaasta taraystu waxay bixisaa iftiin cas ilaa halka ay ku dhacayso marka ciidanku arkayo rasaasta ku soo dhacaysa oo garba siman ah oo wada iftiimaysa islamarkaana ku meeraysanaysa qofka waxay ku keentaa ciidanka anfariir iyo af kala qaad markaasay sas intay qaadaan janta wadhi jireen mararka qaar xataa may haleeli jirin inay qoryaha qaataanba ee waxay noqon jireen wax firxad ah iyo wax fadhiga lagu qabto waa sidii weerarkii lughaya ay ku qabteen 700 ee askari.
Sidaasi ayuu intii dambe ahaa dagaalka xeebtu ku dhufoo ka dhaqaaqdaa jidhif iyo saska iyo seexan waagaa ciidankii cabdi casiis. waxaaana labada dhinac midkuu doono ha qaadee dagaalka xeebtu intuu socday la isku qaaday laba iyo afartan hawlgal (42 OPERATIONS) waxaana ka mid ahaa hawlgaladii ugu kululaa:
1. Hawlgalkii Lughaya
2. Hawlgalkii Buluxaar
3. Hawlgalkii Tokhoshi
4. Hawlgalkii Geerisa
5. Hawlgalkii Ceel-Gaal
6. Hawlgalkii Caasho Cado
7. Hawlgalkii Gargaara Barri
8. Hawlgalkii Gargaara Galbeed
9. Hawlgalkii Jidhi
10. Hawlgalkii Cabdi Qaadir
11. Hawlgalkii Xariirad
12. Hawlgalkii Boon
13. Hawlgalkii Qulu-jeed
14. Hawlgalkii Saylac
15. Hawlgalkii Geerisa

General Jidhif Aqoontii uu u lahaa deegaanka xeebta iyo guutadiisa 99aad oo ahayd mid adkaysi badan ayaa caawisay oo waxay had iyo jeer ku dadaali jireen inay qabsadaan meesha biyaha leh.taasina waa hab dagaal oo ay ku naafeeyeen ciidankii cabdi casiis waayo markii xeebta uu ugu soo galay kulaylkii xagaaga iyo biyo la,aantii waxa ku haftay ciidan badan oo ka mid ah ciidankii cabdi casiis oo xamili waayay cimiladan kadeedan maadaama ayna la baran oo ay ahaayeen rag aan hore xeeb uga dagaalamin. Waa halkan halka ay ka timid kaadidayda ayaan u soo cabay oo markii kulayka xagaagu raga helay iyo dagaalkii xeebtu qasab ayay ku noqotay in kaadida la cabo haraadka jira awgii. Cimilada xeebtu iyana waxay noqotay fursad kale oo caawisay jidhif iyo ciidamadiisii maadama guutada 99aad ay iyagu la qabatimeen hanfiga ka dhacaya xeebta halka ciidanka cabdi casiis iyagoo hadhya hadhyoonaya sidii adhiga hal hal loo qaban jirey. Waxaa kale oo iyana fajac ku noqotay ciidankii cabdi casiis intay caawa ku dhuftaan geerisa ayay aoortana meel kale ku waabariisan jireen habeen kale na gargaara ama meel kale markaasay yaabi jireen ciidanka fara badnaantiisa hada waa guuto wareegaysa taasina waa taatiko dagaal oo jidhif adeegsaday. 
Waxba yaanan hadalka idinku badinine bal waakan ee ila eega Cabdi Casiis Cali Barre waxuu ka yidhi Dagaalkaa xeebta iyo dagaaladii dhexmaray jabhadii SNM. waa kan cabdi casiis Cali Barre oo ku sugan dalka koonfur afrika oo bbc waydiisay su,aal ahayd siduu u arko dagaalada ka socda soomaaliya waxaanu yidhi: “Ama Itoobiya ha ka dhex dagaalanto ama maraykan ha ku duulo’e Soomaaliya wali kama dhicin mid la mida kuwii na dhex maray jabhadii SNM waxanan damacsanahay inaan buug ku soo saaro laakiin hadaan in yar ka xuso waxay ahaayeen dagaalo aad iyo aad u qadhaadh dhinac walba oo leh maskax xeel dagaal, taatiko milatari, iyo dhiiranaantii halista ahayd ee dagaalyahanimada Soomaalidu ku caan baxday waxanay dagaaladaasi lahaayeen qaabab badan oo halisa sida weerar dhamaystiran, difaac, jidgooyo, dhabarjabin, miino-xidh, arbush, iyo sahan culus taas oo ay dheerayd dagaalka ku dhufoo ka dhaqaaqda ah oo leh sas iyo jaha habaabin khatar ku ah cutubyada ciidanka, ma aha waxa aayar la ilaawi karo dhacdooyinkii dagaaladaasi khusuusan xiliyadii u danbaysay ee aan anigu gulufka adag ee ciidankii 77 ee libaaxyada Soomaaliya aan ku kiciyay guud ahaan aagagii SNM gaar ahaana xeebta galbeed.
Weerarkii cuslaa ee aan ku qaadnay guutadii 99naad ee SNM oo uu hogaaminayay kornayl Jidhif oo aan isku kuliyad ahayn kuwaas oo aan weerarkaa hore kaga guulaysanay hase yeeshee, aad noogu waxyeeleeyay weeraradii rogaal-celiska ee gaadmada iyo goosgooska ahaa . jidhif anigoo ka ciidan badan kana hub iyo saanad badnaa ayuu hadana waxuu waxyeelo xoogleh u gaystay ciidankaygii waxaad moodaysay inuu aad uu ii kaarto fahmayo milatari ahaan sababtoo ah waxay jid gooyo ku dileen abaanduulahaygii ciidanka saraakiil badan oo kalena way sigteen, waxay noo adeegsadeen sirta culus ee ciidanka taas oo ah dhegaysiga isgaadhsiinta raadiyaha iyo fasiraada afgarashooyinka ciidanka ee (Taararka) la isku dirayo, meelihii ugu darnaana waxa ka mid ahaa jidgooyadii dooxa Bariisle maalintaas oo ahayd markay saraakiisha laayeen oo ciidanka uu watay kornayl (Jidhif) waxa markii gurmadkayagii ku soo dhawaaday qasab ku mareen ciidankii Djibouti ee xadka ilaalinayay taas oo macnaheedu ahayd inay taarkayaga dhagaysteen waana hab dagaal”
LA SOCO,,,, Qaybta Dambe iyo waxuu ka yidhi jidhif