“ Safiirada Aan La Kulmaayo Cidi Iima Yeedhin Karto , Xadhiga Xildhibaan Dhakool-na Waa Sharci Daro ..” Gudoomiye Ciro + [ Muuqaal ]

Hargeysa (Ilays-News):- Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Ciro oo maanta warbaahinta  kula Hadley hoyga uu Hargeysa ka degan yahay ayaa waxaa uu ugu horeyn tacsi u diray dadkii ku dhintey roobabkii xalay Hargeysa ka Da.ay waxaana uu nasiib daro ku sifeeyey in madaxweyne Biixi xalay  uu kormeer  ku tago baliga Daami oo uu hore amar ugu bixiyey  in  biyaha laga sii daayo balse ilaa iminka sanad kadib waxba aan laga qaban dhibtiisi-na wali taagan tahay

Sidoo kale Gudoomiye Ciro ayaa waxaa uu beeniyey in uu Nairobe kula kulmay Safiirada dalalka Mareykanka iyo Qatar u fadhiya dalka Somaliya , balse waxaa uu hoosta ka xariiqay in aaney jirin cid  u yeedhin kara safiirada uu la kulmaayo

Dhinaca kale Dr Ciro ayaa sharci daro ku tilmaamay xadhiga Xildhibaan Dhakool iyo gudoomiye Maxamed Sadiiq

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

https://youtu.be/FFn__CdjpHg

GABILEY.NET