Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Oo Cambaareeyay….

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay weeraro dhawaan dalka Mali loogu geystay ciidamo ka tirsan kuwa nabad ilaalinta QM ee dalkaasi ka howlgala.

Afhayeen u hadlay António Guterres ayaa sheegay in Xoghayaha Guud uu aad uga murugsanyahay dilka askari u dhashay Nigeria oo ka mid ahaa howlgalka Qaramada Midoobay ee Mali, kaasoo ay ku dhintay weerar ay maleeshiyo hubeysani ku qaadeen xarun ay ciidanka QM ku leeyihiin magaalada Timbuktu.

Isla weerarkaas waxaa ku dhaawacmay askari kale oo u dhashay Nigeria, kaasoo ka mid ah ciidanka nabad ilaalinta QM ee Mali.

Weerar kale oo ka dhacay magaalada Tessalit ee gobolka Kidal , ayaa waxaa lagu dhaawacay saddex ka mid ah ciidamada Chad ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta.

Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres ayaa ugu baaqay madaxda dalka Mali in ay tallaabo dag dag ah u qaadaan sidii ay u soo qaban labaaheen oo ay caddaalada u keeni lahaayeen kooxaha ka danbeeyay weerara lala beegsaday ciidamada nabad ilaalinta u jooga dalka Mali.