Xukuumada Somaliland Oo Magacawday Wakiilkeeda Arimaha Ganacsiga Ee Dalka Itoobiya

Hargeysa(GNN) – Xukuumadda Somaliland ayaa Cabdibaasi Ibraahim Aadan oo ah Aqoonyahan da’yar u magacawday Xafiiska arimaha Ganacsiga ee ay ku leedahay Dalka Itoobiya.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshaddaha iyo Dalxiiska Somaliland Maxamuud Xasan Sacad ayaa Aqoonyahan Cabdibaasi Ibraahim Aadan maanta u magacaabay Wakiilka arimaha Ganacsiga Somaliland ee Dalka Itoobiya halka uu wasiirku xilkii ka qaaday Wakiilkii hore Cabdiraxmaan Cabdi Xasan.Wakiilkan Cusub ee ay Xukuumadda Somaliland u magacawday Xafiiskeeda Arimaha Ganacsiga ee Dalka Itoobiya Cabdibaasid Ibraahim Aadan ayaa wakhtigiisii ugu badnaa ee uu kujiray Cilmi raadiska ama ardaynimadda, siiba heerkiisii jaamacadda, waxa uu ku Qaatay dalka itoobiya Waxa uu shahaadadiisii koobaad iyo labbaad ee jaamacada ku soo diyariyay dalka itoobiya waa aqoonyahan si xeel

dheer u bartay Culuumta Xidhiidhka wadamada dunida sida ay uwada shaqeeyaan, maaraynta maamulka, Ganacsiga, Maamul wanaagga iyo Hanaanka Diblomaasiyadeed ee ay dunidu uwada macaamisho.

Cabdibaasi Ibraahim Aadan waxa uu lasoo shaqeeyay Hay’addaha UN-ka, NGOS-yo door ah oo ka hawlgala dalka, waxaana uu ka qayb galay shirar waa weyn oo dalka dibadiisa ka dhacay. Waxa uu  muddo dheer shaqaale ka ahaa Wasaaradda Ganacsiga,Warshaddaha iyo Dalxiiska waxaanu door weyn ka soo qaatay kobcinta qaybta warshaddaha isagoo kamid ahaa masuuliyiintii dhidibadda u taagay siyaasada iyo qorshayaasha u dejisan waaxdaasi ee ay ku shaqayso. Waxa uu Wasaaradda ka gaadhay heer Agaasime, isagoo muddadaasi ka ahaa Xubin firfircoon oo daadiyaha Guud ahaan Shaqada Wasaaradda.

Cabdibaasi Ibraahim Aadan Waa aqoonyahan Bisil oo waxbadan ka qaban doona Xafiiska Wakiilka Ganacsiga Somaliland ee Dalka Itoobiya.