Xukuumadda Somaliland Oo Ka Jawaabtay Hadalkii Ay Dawladda Soomaaliya Ku Sheegtay Inay Somaliland Dayacday Fursad, Markii Ay Farmaajo U Diiday Hargeysa

Xukuumadda Somaliland ayaa ka jawaabtay hadal uu dhawaan yidhi Raysalwasaare-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamuud Guuleed (Khadar) oo ahaa inay Somaliland iska lumisay fursad ka dib markii ay Raysalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed ka diiday inuu Hargeysa yimaado isagoo uu weheliyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Raysalwasaare-xigeenka oo dhawaan waraysi siiyay weriye Khaalid Foodhaadhi oo ka tirsan Telefishanka Goob-joog, wuxuu sheegay inay Somaliland dayacday fursadaas.

Hase yeeshee Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Faratoon, ayaa sheegay inaanay jirin wax dan ah oo Somaliland ugu jirtay inuu Farmaajo yimaado.

Wasiir Faratoon oo isagoo jooga magaalada London ee dalka Ingiriiska, oo uu wargeyska Geeska Afrika weydiiyay sida ay xukuumadda Somaliland u aragto hadalkaas Raysalwasaare-xigeenka Soomaaliya, wuxuu yidhi “Halkani [Somaliland] maaha meel la iska soo galo, maaha dal la iska yimaado, ee waa Dal nidaam leh, waa Dal kala dambayn leh, Farmaajo uma taliyo Somaliland ee waxaa ka taliya Mudane Muuse Biixi, oo ah Madaxweyne xogogaal u ah dalkiisa iyo dadkiisaba, oo kalsoonida shacabkiisa haysta, Farmaajana waxaynu ka war qabnaa in aanu gacanta ku wada hayn Magaalada Muqdisho, markaas wax dan ah iyo faa’iido Somaliland ugu jirta imaanshaha Farmaajo ma jirto, faa’iido aynu garan weynay oo imaanshiisa iska hor tagayna ma jirto, ee Farmaajo dalka wuxuu iman kara oo qudha isagoo qirsan madax banaanida, qaranimada iyo jiritaanka Somaliland, haddii aynu nahay Somaliland waxaanu diyaar u nahay in aanu Somaliya ahaanu sidii laba dal oo jaara, oo wax badan iska kaashada, laakiin wax kale kama ogolin”

Isagoo ka hadlaya baaq uu Ingiriisku u diray xisbiyada Somaliland oo ah inay isu tanasulaan si ay doorasho u qabsoonto wuxuu yidhi “Hadda anagu waxaan ku sugan nahay Dalka Ingriiska, dabcan Ingiriisku waa dal aynu leenahay xidhiidh aad u dhaw, Ingriiska oo qudhana maaha ee Dalal badan oo aynu xidhiidh dhaw leenahay ayaa raba inay Doorashadu inoo dhacdo, Doorashada oo inoo dhacdaana inaga ayey dani inoogu jirtaa, ee cid kale dani uguma jirto, markaas wax walbana waxay inoogu dhammaan doonaan sida ugu wanaagsan, labada Xisbi ee UCID iyo Kulmiye iyagu go’aan ayey gaadheen, oo iyagu waa u diyaar Doorashada, ee Xisbiga Waddani-na waxaan ku rajo weyn nahay inuu Doorashada diyaar u noqdo”.

Wasiir Faratoon oo ka hadlaya socdaan uu dhawaan Madaxweynihii hore ee Nayjeeriya ku yimdii Somaliland, wuxuu yidhi “Somaliland waa dal hore u socod iyo horumar ku jira, dabcan Madaxweynihii hore ee Nayjeeriya ee dalka yimidna, aad iyo aad buu ugu qushuucay nidaamka dawladnimo nidaamka dimuqraadiyadeed iyo kala dambaynta dalka ka jira, Wufuud iyo Weftiyo badan oo Wadamada kala duwan oo Caalamka ka tirsana inay yimaadan ayaanu ku rajo weyn nahay”.

Gabiley.Net