Alshabaab Oo Oday 75 Jir ah ku Fulisay Xukun Dil ah Fagaare ku Yaala Sh/Hoose.

Sida dad goobjoogayaal ah warbaahinta u sheegeen Ururka Al-shabaab ayaa meel fagaaro ah ku toogtay Nin oday oo da’diisa lagu sheegay 75 sano jir, kaddib markii lagu helay sida Al-shabaab hadalka u dhigeen in uu isla guursaday gabar iyo hooyadeed.

Al-shabaab ayaa fagaaraha ay toogashada ka dhacday ka sheegay in Ninkan Odayga ah oo lagu magacaabi jiray Abshir Maxamed Cabdi uu soo dacweyay Nin lagu magacaabo Xassan Khaliif Aadan oo sidaa daraadeed lagu helay danbiga ah in uu wada guursaday gabar iyo hooyadeed.

Eedeynta noocan ah oo ah mid ku cusub dhagaha shacabka Soomaaliyeed ayaa la ogeyn xaqiiqdeeda iyo waxa ka jira marka laga soo tago sheegashada Al-shabaab oo marar badan oo hore sidan oo kale toogasho meel fagaaro ah ku fuliyay dad shacab ah oo eedeyn kala duwan ay u soo jeediyeen.