Ciidamada Ilaalada Madaxwayne Uhuru Oo Toogtay Arday Xoog ku Galay Madaxtooyada Kenya.

Booliiska Kenya ayaa toogasho ku dhaawacay nin mindi watay oo u soo dhacay xayndaabka xarunta madaxtooyada ee ku taalla magaalada Nairobi..

Ninka ayaa mindi ku weeraray ciidamo ka hor istaagay inuu galo afaafka hore ee madaxtooyada, waxayna booliisku sheegeen inay garabka bidix ka toogteen kadib markii uu ka booday darbiga xayndaabka u ah madaxtooyada.

Booliiska ayaa da’da ninkan la toogtay ku sheegay 25 jiry wax ka barta sannadkii shanaad jaamacadda Kenya, balse ma aysan sheegin magaca ardaygan la toogtay, kaasoo hada lagu dabiibayo isbitaal ku yaala magaalada Nairobi.

GABILEY.NET