Deg Deg:-Warsaxaafadeed Kasoo Baxay Safaarada Somaliland Ee Sweden Oo Ay Ku Sheegeen In Aanay Jirin Safar uu Madaxweynaha Somaliland uu Ku Imanayo Dalka Sweden,

Warsaxaafadeed kasoo baxay safaarada Somaliland ee dalka Sweden oo uu ku Saxeexan yahay wakiilka Somaliland ee dalka Sweden ayaa lagu sheegay in aanuu jirin wax safar ah oo madaxweynaha dalka Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu ku imanayo dalka Sweden, Warsaxaafadeedkaasina waxa uu u qornaa sidan

Waxaan ku wargelinaynaa dhamaan shacabka Somaliland gaar ahaan bulshada Sweden in aanay jirin wax safar ah oo madaxweynuhu ku imanyo dalka Sweden. Sidoo kalena aanu wararkan ku aragnay uun baraha bulshada,

Aniga ka wakiil Ahaan (Zakariye Xasan Wacays) aanuu jirin wax xidhiidh ah oo aan arintan kala yeeshay madaxtooyada Somaliland , ka wakiil ahaana waxaan la xidhiidhay wasaarada arimaha dibada & Wasiirka waxayna ii sheegeen in aanuu jirin wax safar ah oo qorsheysan ama kedis ah oo madaxweynaha Somaliland uu ku imanayo dalka Sweden, Isla markaana wararka dhex wareegaya baraha bulshada aanay waxba ka jirin oo aanay run ahayn,

Ugu danbeyntii Safaarada Somaliland ee Sweden & Wakiilku waxay bulshada reer Somaliland gaar ahaan kuwa ku dhaqan dalka Sweden ay ugu mahadqanaysaa sida ay u xiiseynayaan imaanshiyaha madaxweynaha ee dalkan Sweden ee ay aadka ugu faraxsan yihiin in madaxweynahoodu uu ugu yimaado dalkan Sweden,

Alle Ayaa Mahad Leh
Xafiiska Somaliland Ee Sweden