Faransiiska oo xabsiga dhigey Madaxii Hore Ee UEFA Michel Platin.

Madaxweynihii hore ee Xiriirka kubbada cagta qaarada Yurub UEFA Michel Platini ayaa la xirey isagoo loo haysto sababta uu ugu codeeyay qabashada tartanka koobka adduunka ee 2022 dalka Qadar.

Laacibkii hore ee xulka Faransiiska Platini ayaa ahaa Madaxweynaha UEFA intii u dhexeysay 2007-2015,xilligaa oo ay xayiraad ku soo rogtay FIFA.

Platini oo 63 sano jir ah ayaa saaka lagu xirey xarunta baarista musuqmaasuqa isagoo ay ku socoto baaritaano la xiriira sababaha uu codkiisa u siiyay dalka Qadar.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in la ogaaday in ay kulmeen sagaal maalmood ka hor xilligii ay dhacaysay doorashada dalka martigelinaya tartanka ciyaaraha adduunka

Madaxweynihii hore ee Faransiiska Nicolas Sarkozy,Platini iyo Amiirka Qadar Tamim bin Hamad al-Thani,kulankaas oo ka dhacay Hotelka caanka ah ee Elysee.

Kulankaas ayaa la sheegay in lagula ballamay Platini inuusan codkiisa siin dalka Maraykanka oo la tartamayay wadanka Qadar,balse Platini ayaa beeniyay in kulankaas uu ku saabsanaa dalka uu codka siinayo.

GABILEY.NET