Daawo :-Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Jsl Oo Komeer Kusoo Maray Goobaha Uu Imtixaanku Ka Socodo Gabiley.

Hargeisa(GNN):-Gudoomiyaha Xafiiksa Imtixaanaadka Qaranka jamhuuriyada Somaliland Mudane Daauud Axmed Faarax oo si foojigan ula socoda habsami u socodka imtixaanka shahaadiga ee dalka oo galay maalintiisii saddexaad, ayaa kormeer kusoo sameeyey dhammaanba goobaha uu ka socodo imtixaanku ee gobolka gabiley, komeerka gudoomiyaha ayaa la xidhiidha u kuurgalida iyo sugida fulinta in sidii sharciga ahayd ay ardayda dalka galaysa imtixaanka u galaan.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

GABILEY.NET

­