Halkan Ka Daawo-Qaar kamida Saraakiishii SNM Oo Kulan Qado ah Ku Yeeshay Magaalada Hargeisa Iyo Fariinta Ay Shacabka U Direen.

Hargeisa(GNN):-Qaar kamida saraakiishii Ururkii Snm ee dib u xoraynta jamhuuriyada somaliland keenay ayaa maanta iskugu yimid kulan qado sharaf ah kaasi oo ujeedadiisu Ahayd sidii ay xog waran u kala heli lahaayeen qaybaha kala duwan ee saraakiisha SNM Dal iyo dibadba iskana warhayn lahaayeen.

Sidoo kale kulankan qado sharaf ah ayaa lagu sheegay in ujeedadiisu  tahay sidii hogaamiyayaashii Ururkii SNM Uwada Ilaashan lahaayeen Qarankii ay lahaayeen guushiisa ee Jamhuuriyada Somaliland Tacab iyo taageeraba,

Muj Cismaan Arw Liqe iyo Mujaahid Ibraahim Dhagawayne ayaa faah faahin ka baxiyay ujeedada kulan Is xog waraysiga Ah  Iyagoo dhanka kale fariin udiray shacabka Somaliland iyo cidkasta oo kamida bulshada Somaliland.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;