Kinsey: Qaawaanaantii Aan Ku Galay Cayaartii Champions League Waxaan Ka Helay 3 Milayn Oo Ginni

Gabadhii iyadoo qaawan gashay garoonka finalkii Champions League ee u dhaxeeyay Tottenham iyo Liverpool ayaa sheegtay in qorsheedii ay ku guuleysatay islamarkaana ay haatan isku diyaarineyso inay xilli hore shaqo ka fariisi sameyso.

Kinsey Wolanski oo 22 sanno jir ah ayaa orod ku gashay garoonka Wanda Metropolitano iyadoo xiran dhar aan cowradeeda astureynin,, waxaana ayay xayaysiin u sameyneysay website-ka waxyaabaha xun faafiya oo uu leeyahay saaxiibkeed.

Inkastoo la xiray oo xabsi lagu tuuray muddo shan saacadood ah, waxa ay sheegtay hadana inay u qalantay, iyadoo khubarada ay sheegeen in xayaysiintii ay sameysay ay u qalantay in lagu bixiyo 3.8 milyan ginni.

Wareysi ay The Sun siisay ayay Kinsey ku tiri: “Marka aan gaaro 30 jir waxaan qorsheynayaa inaan sameeyo lacag igu filan oo iga dhigta howlgab, waxaana taas iga caawinaya qaawanaantii aan ku soo galay finalka Champions League.

“Waxaan qorsheynayaa inaan garoomada sidaan oo kale u soo galo si aan kor ugu qaado magaceyga.

“Jawaab celintii aan ka helay wixii aan sameeyay finalkii Champions League waxa ay aheyd mid cajiib ah, wax iiga farxad badnaa ma jirin. Waa wixii iigu fiicnaa nolosheyda ee aan sameeyo.”

Saaxiibkeed oo lagu magacaabo Vitaly Zdorovetskiy waa Youtuber, waxaana uu sidoo kale dhaqaale ka fiican ka helay talaabadii ay qaaday saaxiibtiis.

Waxaa jira warar sheegaya in inkabadan 32 milyan ruux inay haatan iska diiwaangeliyeen website-kiisa, taasoo keentay inuu helo 3 milyan ginni oo xayaysiin ah.

GABILEY.NET