Maxkamada Faransiiska Oo Mudaysay Dacwad Lagu soo Oogay Gabadh la Dhalatay Dhaxal-sugaha Sacuudiga.

Maxkamad ku taala dalka farnsiiska ayaa ku dhawaaqay waqtiga la dhagaysan doono dacwada lagu soo oogay gabadha la dalatay dhaxal sugaha boqortooyada Sucuudiya Boqor Salman.

Boqorad Hassa Bint Salman ayaa lagu soo oogay dacwad ah in ay ku amartay waardiyaheeda in uu garaaco nin loo shaqaalaysiiyay in uu qurxiyo hayga ay ku leedahay magaalada Paris ee dalka Faransiiska.

Hassa bint Salman ayaa la filayaa in ay ka maqnaato dhagaysiga Maxkamada oo lagu wado in ay qabsoonto 9 July sida laga soo xigtay wakaaladda wararka AFP.

Boqorada ayaa ninkan dhibanaha ah ku eedeysay inuu warbaahinta ka iibiyo sawiro uu ka qaaday gudaha qolka ay ka degen tahay guriga qaaliga ah ee ay ku leedahay caasimada Faransiiska sannadkii 2016,, taasoo mudo yar kadib sababtay in ay amarto waardiyaheeda in uu weeraro ninkan waxey ku qaylinaysay,”Dill isaga, Eyga, uma qalmo nolosha”

Ninkan dhibanaha ah ayaa sheegay in laga xidhay gacmaha kadibna wajiga laga garaacay, ka hor inta aan lagu qasbin in uu Dhunkado ama uu Shumiyo lugaha boqorad, isagoo qalabkiisii lagala wareegay shaqadana laga eryay sideed casho.

Waardiyaha falkan lagu amray ayaa hore loo xukumay sannadkii 2016 danbiyo isticmaal Hub,hanjabaadyo iyo in uu dad ka hor istaagay rabitaankooda.

Boqorad Hassa bintu Salman ayaa isaga carartay Faransiiska, ka hor inta aan loo jarin warqadda dacwadda ah December sannadkii 2017, balse waqtigaas laguma guulaysan in lasoo qabto islamarkaana lasoo xiro.

Haweenaydan oo ah 40 sano jirka ah ayaa warbaahinta Sucuudigu ku amaantay in ay shaqadeedu tahay caawinta iyo xuquuqda Haweenka.

Boqorad Hassa ayaa ku noolayd wadada Avenue ee galbeedka caasimada Faransiiska, halkaas oo ah meel aad ugu fiican dalxiiska, waxa ku yaala guryaha ugu qaalisan caasimada Faransiiska.

GABILEY.NET

Exit mobile version