Prof Ibrahim Meecaad Oo Ka Hadlay Sobobta Keentay In Beelaha Barigu Ku Dhawaaqaan Shir Iyo Saamaynta Siyaasada Wajiyada Horkacaya!

Hargeisa(GNN):-Prof Ibraahim Maxamed Meecaad Oo kamida Aqoonyahan Reer Somaliland Ee ku Degan Dalka Canada Oo Wakhtigan Ku Sugan Magaalada Hargaysa ayaa wax Laga Waydiinay, Sida Uu arko Shirka ay ku Dhawaaqeen Qaarkamida Madax dhaqameedka beelaha bariga Burco Iyo Sobobta Wakhtigan Keentay In shir beeleed laga abuubulo Somaliland,

Sidoo kale Prof Ibraahim ayaa hoosta ka xariiqay Halista ay shirkan ku keeni karto shaqsiyaadka horkacaya abaabulkiisa shirkan kuwaasi ay kamid yihiin madax dhaqameed iyo siyaasiyiinta xisbiyada qaarkood oo uu sheegay in ay shirka ku noqon karaan caqabad maadaama ay yihiin kuwo wajiyo badan leh oo bulshadu sifiican u taqaan.

Prof Ibraahim Meecaad oo aanu arimahan ka hadlaya   ayaa wuxu  yidhi “Ugu horay waan salaamayaa warbaahinta somaliland oo marwalba Iyadu ku hawlan soo gudbinta wararka dalka gudo iyo dibadba.

Hadii aan ka hadlayo sida aan u arko shirka ay ku dhawaaqaan inay qabsanayaan beelaha bariga iyo galbeedka burco  waan soo dhawaynayaan maadaama ay ka tashanayaan haayahooda iyo sidii ay nabad ugu wada noolaan lahaayeen. Wuxuna uu lamid yahay uun kuwii beelaha somalland qabsan jireen, wallow iyaga ay udheer tahay colaada udhaxayso oo mudo xal loowaayay,

Waxaan qabaa in Sobobta keentay shirkani ay tahay

1;beelaha walaalaha ee wada dega gobolada sanaag iyo togdheer inay shirk u baaqaan waxaa keentay dayac ka yimid dhinaca xukuumada oo xal ka gaadhi kari wayday  colaada deegaanada ceel afwayn  waxna ka qaban cidii nabada jabisa ayay garteen in ay bal iyagu iskugu yimaadaan shir ay aayahooda kaga tashadaan.waana arinta salka u ah shirkan ayaan qabaa”

Dhanka kale Prof Ibraahim meecaad ayaa ka digay saamaynta uu shirka keeni karto xubnaha xiligan hor booyada ee madaxdhaqameedka qaarkood iyo Gudoomiyaha xisbiga ucid oo uu sheegay in  bulshadu Ku baratay isbad-badalka wajiyadooda siyaasadeed “Qabsoomada shirka waxa lagayaa in ay saamayn iyo burbur ku keento doonista boqor buurmadow iyo sawirka faysal cali waraabe waayo waxay kamid yihiin shaqsiyaadka ay bulshadu baratay wajiyada badan ee siyaasadoooda waxaan usoo jeedinayaa madaxda dhaqanka ee beelaha bariga iyo galbeedka burco in ay ku dadaalaan sidii aanu shirkooda loogaga faa,iidaysan dano siyaasadeed oo wakhtigan ku badan dalka” Ayuu Yidhi Prof Ibraahim Maxamed Meecaad,

Guud ahaan shacabka Somaliland gudo iyo dibadba ayaa iyagu isha ku haya shirka lafilayo in ay qabsadaan beelaha bariga iyo galbeedka burco oo dhinaca kale ay ka dhaxayso xurguf siyaasadeed oo ay sii hurisay doorashadii madaxtooyada ee 2017, waaana mid laga wada war sugi doonaa natiijada kasoo baxda iyo Sida ay uga badbaadaan faro galinta xukuumada iyo cidkasta oo dano gaara wadata.

 

Hargeisa Somaliland