Seynisyahannada Adduunka Oo Ogaaday Xanuunka Ugu Daran Ee Uu Mari Karo Qofka Bani’aadamka Ah

Heerka ugu sarreeya ee uu gaari karo xanuunka qofka bani’aadamka ah ayaa la ogaaday, ka dib markii ay Seynisyahannada isbarbar dhig ku sameeyeen waxyaabo badan oo keena xanuun, sida orodka 3,000 ee mayl iyo arrimo kale.

Waxay khubaradu muujiyeen in heerka tamarta jirka ee xanuunkaasi uu 2.5 jeer ku laba jibbaarmo heerka caadiga ah ee uu adeegsado jirka nasiinada ku jira ee qofka caadiga ah.

Cilmi baaristan oo ay sameysay jaamacadda Duke ayaa sidoo kale muujisay in haweenka uurka leh ay khubaro ku yihiin xanuunka, maadaama marka ay foolanayaan uu heerka xanuunkooda aad ugu dhawaado darajada ugu sarreysa ee uu jirka bani’aadanka xamili karo.

Daraasaddan ayaa lagu billaabay tartanka orodka ee ka dhaca Mareykanka, kaasoo ay ciyaartoydu masaafe dhan 3,080 mayl ku galaan, laga billaabo gobolka California ilaa Washington DC, muddo 140 maalmood ah.

Tartamayaasha ayaa isbuuciiba lix jeer ordayay dhowr bilood gudahood, waxayna seynisyahannadu baaritaan ku sameynayeen saameynta soo gaareysa jirkooda.

Waxaa la eegayay awoodda uu jirku isticmaalayo marka uu nasanayo, ka hor tartanka iyo inta uu socdo.

Sidoo kale waxaa la diiwaan galiyay awoodda uu jirku u adeegsaday u adkeysiga xanuunka xad dhaafka ah ee soo wajahay.

Daraasaddan ayaa dhanka kale muujisay in jirku uu si joogto tamarta hab isku mid ah ugu isticmaalo, ayna ku xiran tahay mar walba howsha uu qabanayo inta ay la egtahay.

Tartanka orodka (hal qof oo kaliya) wuxuu isticmaalay tamar 15.6 jeer ku jibbaaran tamarta uu jirkiisa isticmaalo marka uu nasanayo

Wadayaasha baaskiisla ee ka qeyb galay tartankii 23-ka maalmood socday ee Tour de France waxay isticmaaleen tamar 4.9 jeer ku jibbaaran tamarta uu jirkooda isticmaalo marka uu nasanayo

Qof 95 maalmood ku socday barafka qaaradda Antarctic wuxuu isticmaalay tamar 3.5 jeer ku jibbaaran tamarta uu jirkiisa isticmaalo marka uu nasanayo

“Run ahaantii waad sameyn kartaa waxyaabo aad u adag dhowr maalmood gudahood, laakiin haddaad rabto inaad sii waddo, waa inaad u nasato oo dib usoo billowdo,” ayuu yidhi Dr Herman Pontzer oo ka tirsan jaamacadda Duke, mar uu la hadlayay BBC News.