Taliyaha Ciidanka Qaranka Ee Aagga Bari Cali Bare Oo Ka Hadlay Weerar Ay Ciidama Qaranka Ku Soo Qaaden Maleeshiyaad Laga Soo Abaabulay Goroowe.

Taliyaha ciidanka qaranka ee aagga bari Sarreeye Guuto Cali Barre Xuseen, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegayay in habeen hore ciidanka qaranka ee jiidda hore weerar lagu soo qaaday.

Waxaanu taa bedelkeeda ku sheegay in maleeshiyo aan awood u lahayn in ay ciidanka qaranka ee fadhiismida hore weerar ku soo qaadaan in marka ay busaarad sadaan ay sameeyaan arrin ay marar badan wax ku heleen oo ay ku baadhaan dad dibadda jooga oo qurbe joog ah oo lacag ku bixiya marka ay yidhaahdaan Somaliland ayaan weerar ku qaadnay.

Waxaanu intaa ku daray oo uu farriin u diray dadka qurbe joogga ah ee lacagta ku bixiya marka ay maqlaan Somaliland ayaa la weeraray, waxaanu ku waaniyay in lacagta ay dhibaatada ku bixinayaan in ay dadkooda wax ku soo taraan.

Waxaa kale oo uu warbaahinta uga digay in ay faafiyaan warar aanay iska hubin oo cid dan lihi meel ka tidhaahdo.

Taliye Cali Barre oo wargayska Dawan waraysi kooban ku siiyay taleefanka isagoo ku sugan jiidda hore ee ciidanka qaranka ee gobolka Sool, ayaa yidhi. “Waxaan ka maqalnay warbaahinta ciidanka qaranka ee Jiidda hore ayaa la weeraray laakiin waxay ahayd cidda warkaa sii daynaysaa in ay ciidanku masuuliyiin ayuu leeyahay ee in ay wax ka waydiiyaan oo ay war sax ah raadiyaan, maanta qofku wuxuu doono ayuu iska sheegan karaa oo muuqaal iskaga soo duubi karaa laakiin xaqiiqadu waxay tahay in wax weerar ah oo aanu aragnay in aanu jirin, laakiin waxaanu ugu yaraan meel 8 KM u jirta ciidanka qaranka aanu ka maqalnay rasaas ay maleeshiyo yari ka ridday taas oo ah rasaas ay ridaan markay busaarad sadaan oo ay ku baadhaan dad qurbe joog ah oo ay wax kaga helaan marka ay yidhaahdaan Somaliland, ayaannu weerar ku qaadnay iyo waxbaanu ka qabsanay, laakiin waxaan kuu caddaynayaa in aanu jirin wax weerar ah oo aanu aragnay.”

Taliye Cali Barre Xuseen oo hadalkiisa sii wata, ayaa farriimo u kala diray qurbe jooga balaayo doonka ah iyo warbaahinta, waxaanu yidhi. “horta waxaan leeyahay warbaahinta markaad doonaysaan in aad tebisaan war ciidanka ku saabsan waa in aad wax ka waydiisaan madaxda ciidanka oo aydaan iska qaadan wax kasta oo aad maqashaan, waayo? Qof kastaaba intuu wax iska soo duubo ayuu odhan karaa dagaal ayaanu qaadnay iyo meel heblaayo ayaan weerar ku qabsanay, dadka qurbe joogga ah ee beenta balaayo sheegga ah wax lagaga qaadanaya waxaan odhan lahaa dadkiinu rasaas meel laga riday lacag ku bixinteeda idiinkama baahna ee waxay idiinka baahan yihiin in aad wax u tartaan oo aad balliyo u qodaan oo aad dugsiyo u dhistaan oo aan noloshooda ka talisaan halka aad imika geeridooda ka talinaysaan.”

Gabiley.Net