Wakiilka Afrika Ee Maraykanka Oo Booqasho ku Tagaya Suudaan.

Mid ka mid Dimplamaasiyiinta ugu sareeya wasaaradda arrimaha dibada Maraykanka Tibor Nagy ayaa toddobaadkan booqanaya dalkaasi Suudaan oo ay curyaamiyeen shaqo joojin iyo kacdoon dadweyne

Wakiil Tibor Nagy, waxaa la filayaa inuu la kulmo gollaha

milateriga iyo hoggaamiyayaasha Ururada bulshada rayid ah ee Suudaan, isagoo isku dayi doonaa inuu ku qanciyo labada dhinac inay bilaabaan wadahadaladii.

“Wuxuu ku baaqi doonaa in la joojiyo weerarada gacan-ka-hadalka ah ee lagu hayo shacabo, wuxuuna ku adkayn doona dhinacyada isku haya Suudaan inay ka wada shaqeeyeen sidii loo abuuri lahaa jawi suurtagalin kara in dib loo soo celiyo wadahadaladii ” Sidaa waxaa lagu yidhi qoraal ay baahisay wasaaradda arrimaha dibada Maraykanka.

In ka badan 100 qof ayaa ku dhimatay hawlgalkii ay ciidamada xoog ku kala eryeen shacabka mudaharaadka ka waday magaalada caasimada ah ee Khartuum, arrintaasi oo keentay in ay ururada rayidka ah ku dhawaaqaan Shaqo-joojin bilaabatay Axadii shalay.

Ururada Mucaaradka Suudaan ayaa dalbanayay in Milaterigu ay xukunka ku wareejiyaan dowladda Rayid ah oo kumeel gaadh aha, dalabkaasi oo Milaterigu dhagaha ka furaysteen.

GABILEY.NET