Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani Oo Ganafka Ku Dhuftay Codsi Uga Yimid Guddida Doorashooyinka Somaliland

Hargeysa(HGNN):-Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa ganafka ku dhuftay codsi uga yimid guddida doorashooyinka somaliland.Codsiga ka yimid guddida doorashooyinka ayaa la xidhiidhay martiqaad ay u direen xisbiyada siyaasada, golaha wakiilada, wasaarada arimaha gudaha, ururada bulshada iyo daneeyayaasha kale ee doorashooyinka iyaga oo ku wargeliyey inay ka soo qayb galaan munaasibad lagu soo bandhigayo tayeyn lagu sameeyey hanaanka farsamo ee diwaan gelinta codbixiyayaasha doorashooyinka.

Guddida doorashooyinka ayaa warqada codsiga ah ee ayku socodsiiyeen xisbiyada siyaasada iyo hay’addaha kale oo uu ku saxeexnaa gudoomiye Cabdiqaadir Iimaan Warsame waxay ku sheegeen in loo soo bandhiyo hab raac cusub oo lagu sameeyey nidaamka diwaan gelinta codbixiyeyaasha ee casriga ah, iyada oo hay’addaha lagu socodsiiyeyna la faray inay soo dirsadaan min sadex xubnood oo goob joog u noqda.

Dhinaca xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa jawaab uu maanta u diray guddida doorashooyinka qaranka waxa uu ku sheegay inaanu xisbigu ka qayb galayn kulankaas lagu soo marti qaaday iyo hawl kasta oo ay gacanta ku hayaan guddida doorashooyinka ee wakhtigan jira.

Warqada xisbiga mucaaridka ah ee Waddani kaga jawaabay martiqaadka guddida doorashooyinka oo uu ku saxeexnaa gudoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbigaasi Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde ayaa lagu sheegay in sababta aanu xisbigu uga qayb galayn kulankaasi ay tahay in xisbigu hore u joojiyey wada shaqayntii uu la lahaa guddida doorashada sida ku cad warqad uu hore ugu diray maddaxweynaha iyo daneeyayaasha doorashooyinka.