Xulka Portuqal Oo Markale Hantiyey Koobkii Ay Wadamada Yurub Ku Tartameen Ee Nations League+Sawiro

Xulka Portuqal Oo Markale Hantiyey Koobkii Ay Wadamada Yurub Ku Tartameen Ee Nations League+Sawiro

Xulka Boortaqiiska ayaa ku guulaystay koobka wadamada Yurub ee loo yaqaano Nations League.

Tartankan ay isku arkayaan wadamada Yurub oo sanadkan la bilaabay ayaa ciyaartii ugu dambaysay waxa iskugu soo hadhay wadamada boortaqiiska iyo Holland.

Ciyaarta ay iskaga horyimaadeen xulalka boortaqiiska iyo Holland oo ka dhacday magaalada Porto ee wadanka boortaqiiska ayaa ahayd mid aad u adag iyada oo la saadaalinayey in xulka Orange ay qaadi doonaan koobkan.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay goolal la,aan iyada oo labada xulba ay u suura gali wayday inay goolal u badalaan weeraro badan oo ay isku qaadeen.

Daqiiqadii 60aad ee qaybtii labaad ee ciyaarta ayaa laacibka khadka dhexe uga ciyaara xulka boortaqiiska ee Goncalo Guedes waxa uu xulkiisa u suura galiyey inay la yimaadaan goolka ay guushu ku raacday.

Xulka Holland oo lagu tilmaamo mid aan nasiib ku lahayn ciyaaraha kama dambaysta ah ee uu hadyo jeer yeesho ayaa ku guul daraystay inay iska soo badaan goolkaas laga dhaliyey taas oo ugu dambayn keentay in xulka boortaqiisku ay la caraabaan koobkii.

GABILEY.NET