Deg Deg Daawo :-Maayerka Magaalada Gabiley Oo Si Adag Ula Hadlay Tiro Xildhibaano Ah Oo Dalbanayay Mooshin Ay Xilka Kaga Qaadayaan

Gabiley(GNN)Maayerka Magaalada Gabiley Maxamed Amiin Cumer Cabdi Ayaa Maanta Jawaab Adag Siiyay Qaar Ka Tirsan Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Gabiley Oo Uu Ku Tilmaamay Kuwo Bulshada Marin Habaabinaya Oo Been Iyo Borobagaando  Ku Faafinaya Bulshada Dhexdeeda ,Maayerka Ayaa Xildhibaanadaasi Ku Tilmaamay Kuwo Caadaystay Aflagaadada Iyo Cambaareynta Masuuliyiinta Gobolka Iyo Degmada,Wuxuna Ku Sifeeyay Xildhibaano Aan Aqoon Ulaheyn Sharciga Iyo Nidaamka Dawlada,Maayerka Magaalada Gabiley Oo Hadalka Sii Wata Ayaa Xildhibaanada Shalay Badhasaabka Duray, Ku Micneeyay Kuwo Mushaarka Iska Qaata Oo Dalkan iyo Dadkan Aan Tudhaale Ulaheyn, Waa Sida Uu Hadalka udhigaye,
HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

REPORTER JACFAR CAWIL HERERI

GABILEY.NET

Exit mobile version