Gobolo Ka Mid Ah Mareykanka Oo Looga Digay Kuleyl Darran

Heer Kulka gobolada WaqooyiBari iyo Galbeedka Dhexe ayaa durbaba laga dareemayaa Kulaylkaasi oo xoogiisa uu kusoo socdo Maalmaha Sabtida iyo Axadda ee nagu soo Aadan.

Dadka ayaa loogu digay inay biyo badan cabaan, Waxaana ay hayada hawada Saadaaliyo ayaa sheegay in ka badan 87 Millyion oo dad ah ay ku nool yhiin dhulka la sheegay in Heerkulku uu sare u kici doono Sabtida

Heer Kulka Washington,DC, oo ah caasimada ayaa la filayaa inay gaarto 43.3, Cabirka Celsius-ka. Waxaana Washington iyo Valle, oo gobolka California ah la sheegay inay isu dhowaan doonaan Kulayl.

Hay’ada Saadaasha hayada ayaa sheegtey in Heer-Kulkaasi daran uu yahay mid wakhti yar ku eg.

Warbaahinta ayaa ka digtey Kulaylka xad-dhaaf ah oo ay ku sheegtey mid leh Huur oo sababi karo in qof uu ku dhaco Cadaadis xagga Maskax ah iyo inuu dhiig ku furmo qofka maskaxdiisa, hadii aanan laga feejignaan.

Caruurta iyo sidoo kale Waayeelka, aanan haysan haysan wax qaboojiyaal ah ayaa ah dadka unugul Kulaylkan.