Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Hambalyo Iyo Mahadnaq U Diray Golaha Deegaanka Ee Birmingham Oo 08-07-2019 Ku Dhawaaqay Inay Aqoonsadeen Somaliland.

Hargeisa(GNN):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka Xukuumadda iyo magaca ummadda Jamhuuriyadda Somaliland, wuxuu halkan hambalyo iyo mahadnaq uga dirayaa Golaha Deegaanka Birmingham iyo guud ahaanba shacabka ku nool oo 08-07-2019, ku dhawaaqay inay Jamhuuriyadda Somaliland u aqoonsadeen dal madax-bannaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu mar labaad ku hambalyeynayaa kuna bogaadinayaa golaha deegaanka magaalada labaad ee ugu dadka badan dalka Ingiriiska tallaabadii ku dhaca iyo geesinamada lahayd ee ay qaadeen shalay oo Isniin ahayd, kuna aqoonsadeen Qarannimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Mudanayaasha Golaha Deegaanka ee Degmada Birmingham waxay muujiyeen garasho feyow iyo dareen bini-aadannimo oo aad u qiimo badan, kasoo ku dhiirri geliyey inay gar-waaqsadaan ahmiyadda weyn ee uu dalka Jamhuuriyadda Somaliland u qabo in la aqoonsado iyo xaqa ay ummaddayadu u leeyihiin inay Beesha Caalamka ka helaan ictiraaf buuxa. Sidoo kale shacbi-weynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxay u mahadnaqayaan cidkasta oo isu xilsaartay qadiyadda Somaliland islana garabtaagtay tallo iyo taageero lagu raadinayo aqoonsiga dalkan iyadoo mudooyinkii u danbeeyey golayaasha deegaanka ee ingiriisku ku dhawaaqayeen ictiraafka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaana hore ugu dhawaaqay aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland golayaasha Deegaanka ee magaalooyinka Cardiff, Sheffield iyo Tower Hamlets, shalayna ay ku soo biirtay Birmingham, taasina waxay ka turjumaysaa tallaabooyinka geesinimada leh ee ay qaadeen magaalooyinkaasi, kuwaas oo mudan inay beesha caalamku kaga dayato.

Ugu dambayn Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu beesha caalamka ka codsanayaa inay xaqiiqsadaan horumarka ay ku tallaabsadeen shacbiga iyo xukuumadda Somaliland mudada 28ka Sanno ah ee ay ku buuxiyeen dhammaan shuruudihii dalnimo iyo dawlad madax-bannaan oo ay u dhanyihiin haykalkii   dawladnimo.

ALLAA MAHAD LEH

 

 Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.