Madaxweynaha Somaliland Oo Casho-sharaf Ku Maamuusay Safiirro iyo Diblomaasiyiin Dalka u Yimi Ka Qayb-galka Carwada Caalamiga Ah Ee Buugaagta Hargeysa.

Hargeysa(GNN):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa caawa casho-sharaf qasriga madaxtooyada ugu sameeyey safiirro, diblomaasiyiin, aqoonyahanno iyo qoraayo ka socda dalalka caalamka, kuwaas oo dalka u jooga hawlo la xidhiidha ka qaybgalka carwada caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa oo maalinta berri furmi doonta.

Kulanka casho-sharafta ah ee uu madaxweynuhu u sameeyey safiirrada, diblomaasiyiinta, aqoonyahanka iyo qoraayada ka socda dalal ku yaalla qaaradaha kala duwan ee dunida, khudbadana ay ka jeediyeen aqoonyahan Jaamac Muuse Jaamac, safiirka midawga yurub Amb. Nicolás Berlanga Martínez, ayaa waxa ka qayb-galay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, madaxweyne-ku-xigeenka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), xubno kamid ah golaha wasiirrada, madaxda xarunta dhaqanka ee Hargeysa, qaar kamid ah safiirrada Somaliland ee dalalka caalamka, aqoonyahanno iyo qoraayo reer Somaliland ah iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan.

Ugu horrayn madaxweynuhu waxa uu ku dheeraaday faa’iidooyinka ay Somaliland ka hesho carwada Buugaagta Hargeysa lagu soo bandhigo hibooyinka dhallinyarada iyo dhaqanka Somaliland, isaga oo hoosta ka xarriiqay in dhammaanba  ka qayb-galayaasha carwada Buugaagta ee Hargeysa ay yihiin saaxiibbo gaar ah oo ay Somaliland leedahay, islamarkaana caalamka gaadhsiiyaan wanaagga iyo nabadda taalla Somaliland.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA IYO KHUDBADIHII LAGA JEEDIYEY.

HARGEISA SOMALILAND OFFICE
GABILEY NEWS NETWORK
CONTACTGABILEYNEWS@GMAIL.COM