Deg-Deg-Madaxweyne Biixi oo Ka Hadlay Guddiga Farmaajo Magacaabay, Xayiraadda Xoolaha & Muddo-kordhin kale iyo Sababaha Keeni Kara.

Hargeisa(GNN):-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay Guddi Lagu Sheegay dib-u-heshiisiinta iyo wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya ee uu Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo magacaabay Arbacadii oo laba cisho ka hor ahayd, waxaanu sheegay inaanay Guddigaas iyo shaqada loo diray khusaynin Somaliland.

Wa kale oo uu Madaxweyne Biixi ka hadlay in haddii ay bisha Augusto 10-keeda gaadho in sharcigu dhigayo in Golaha Guurtida loo gudbiyo, si ay muddo-kordhin ugu sameeyaan golayaasha deegaanka iyo wakiillada, haddii aan inta ka horreysa laga heshiin muranka ku saabsan Komishanka oo ay Mucaaradku codsadeen in lagu daro laba xubnood Guddiga doorashada, waxaanu sheegay inaan labada Xubnood la kordhinayn wakhtigan, balse doorashadu hadday dhacdo ka dib la kordhin doono, balse haddii ay mucaaradku diidaan in waqtigu gaadhi doono xilliga guurtida sharcigu siinayo inay go’aan muddo-kordhineed iyagu gaadhaan.

Madaxweyne Biixi waxa uu sheegay inuu Somaliland kula kacay cadaawad iyo dagaal cad oo uu dhinac walba leh oo uu ula badheedhay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo. Waxa kale oo uu Madaxweyne Biixi ka hadlay Xoolaha saarnaa Markabka Berbera ka qaaday ee ku xayirnaa Sucuudiga oo uu tilmaamay inaanay waxba ka jirin inay Soomaaliya fasaxday.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa arrimahaas iyo kuwo kaleba kaga hadlay Khudbad uu ka jeediyey Kulan Casho sharaf ah oo uu caawa Xarunta Madaxtooyada Somaliland ee Hargeysa ugu sameeyey Safiirro, Wufuud kala duwan iyo Marti-sharaf Hargeysa u yimi ka qaybgalka Bandhigga Carwada Buugaagta Hargeysa ee Hargeisa International Book Fair oo Sabtida berri Hargeysa ka furmaysa.

Halkan Ka Daawo Nuxurka Khudbada Uu Caawa Jeediyey Madaxweyne Biixi iyo Qodobada Xasaasiga ah ee Uu Kagaga Hadlay.