Maraykanka oo Shaaciyey inuu Kordhinayo Taageeradda uu Siiyo Jamhuuriyadda Somaliland

Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay warbixin uu daabacayWargeyska East African Business Week, oo sheegay in wefti uu hoggaaminayo danjiraha Maraykanka u fadhiya Somaliland iyo Soomaaliya Donald Yamamoto uu khamiistii la soo dhaafay la kulmayMadaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo ay ka wada hadleen qoddobo badan oo ay ka mid yihiin kobcinta dhaqaalaha Somaliland, NabadgelyadaGeeska Afrika iskaashiga Somaliland iyo Maraykanka, gaar ahaan dhinacyadahorumarinta, Ganacsiga iyo maamul wanaagga.

Waxa kaloo Madaxweyne Muuse Biixi iyo Danjire Donald Yamamoto wadajir u falanqeeyeen Ammaanka iyo dimuqraadiyada Mandaqada.

Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi ayaa sheegay inay weftigaas ka wadahadleen sidii ay xidhiidh dhow u yeelan lahaayeen Somaliland iyo Maraykanku.

“Waxaanu isla soo qaadnay inaanu ka wada shaqeyno sidii aanu iskaashi dhow ula yeelan laheyn Maraykanka iyo caalamkaba,”ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Kulankaas madaxweynaha Somaliland iyo danjiraha Maraykanka waxa goob joog ka ahaa Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Horumarinta Maaliyadda Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Dr. Sacad Cali Shire, halka safiirkana ay weheliyeen madaxa u qaabilsan safaaradda Maraykanka dhinaca Ganacsiga iyo Dhaqaalaha Shella A. Billas iyo agaasime goboleedka Hay’adda Maraykanka ee USAIDwaxaanu socdaalkoodu qayb ka yahay qorshe uu Maraykanku kula shaqeynayo dalalka Gobolka Geeska Afirka.

Warsidaha East African Business Week wuxuu soo bandhigay in JSL oo xornimadeedii kala soo noqotay Soomaaliya sannadkii 1991kii ay dalkeeda ka hirgelisay dimuqraadiyad isla markaana ay si xawli ah u soo jiidanayso maalgashiga dibadda sababo la xidhiidha goobta istaraatajiga ah ee ay ku taallo darteed.