Afhayeenka Aqalka Kongareeska ee waddanka Mareykanka ee ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga, Nancy Pelosi, ayaa waxa ay madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ku eedaysay inuu ku dhaqaaqay “weerrar cunsuriyad ku salaysan” kaddib markii uu bartiisa Twitterka soo dhigay farrimo ku saabsan xildhibaan Afrikaan Ameerikaan ah.
Mr Trump ayaa waxa uu Twitterka ku weerraray xildhibaanka Dimuqraadiga ah Elijah Cummings iyo degmadiisa Maryland.
Madaxweynaha ayaa waxa uu degmada Baltimore ee Mr Cummings oo ay u badan yihiin Afrikaan Ameerikaanka uu ku tilmaamay meel uu jahawareer daran ka taagan yahay.
Mr Cummings ayuu Mr Trump soo qoray inuu xoog sheegtay markii uu dhaleeceeyay qaabka loola dhaqmo muhaajiriinta ku sugan xadka Mareykanka iyo Mexico.
Mr Cumming oo hogaamiya guddiga aqalka Koongareeska ee ilaaliya dhaqdhaqaaqa dowladda, ayaa waxa uu taageeray in baaritaan dhab ah lagu sameeyo siyaasadaha maamulka Trump oo ay ka mid ah in muhaajiriinta lagu hayo xarumo.
Ms Pelosi ayaa waxa ay hogaamisay xildhibaannada Dimuqraadiga ee difaacayay Mr Cummings waxa ayna cambaaraysay farriimaha Twitterka uu Trump soo dhigay.
Farriimaha uu Twitterka soo dhigay Trump ayey Ms Pelosi waxa ay ku sheegtay inay yihiin “weerrar cunsuriyad ku salaysan” oo uu ku soo qaaday Mr Commings, kaas oo dadka ku nool degmadiisa ay 50% u badan yihiin dadka madowga ah sida lagu sheegay xogta tirakoobka Mareykanka.
Mr Commings oo aad u dhaliila Mr Trump ayaa si deggan hadalkaasi uga jawaabay, oo waxa uu Twitterka soo dhigay: “Waa shaqadayda dastuuriga ah inaan dabalgal ku sameeyo laanta fulinta ee dowladda. Hasayeeshee, waa waajib shaqo inaan u dagaalamo deegaankeyga.”
Maayirka degmada Baltimore, Bernard “Jack” Young, ayaa waxa uu Mr Trump ugu yeeray “inuu niyadjabinayo” dadka magaaladiisa, iyo weliba “dalkayaga iyo caalamkaba”.
“Waa wax aan gabi ahaanba la aqbali karayn in hogaamiyaha siyaasadda ee dalkayaga uu halleeyo sumcadda magaalo firfircoon oo Ameerika ku taal sida Baltimore oo kale, oo uu si qaab daran u weerraro xildhibaanka Kongareeska Elijah Cummings oo ah wadani halyey ah,” ayuu Twitterkiisa soo dhigay Mr Young.
Dimuqraadiyiinta kale, oo ay ku jiraan musharaxiinta xilka madaxtinimada Joe Biden iyo Kamala Harris ayaa ku jeesjeesay farriimaha Mr Trump.
Ilaa iyo haatan wax jawaab ah ma aanay bixin xildhibaannada Xisbiga Jamhuuriga.
Dhacdadan ayaa waxa ay soo celisay hadalladii uu Mr Trump u adeegsaday farriimihii uu Twitterka soo dhigay ee uu ku weerraray afar xildhibaan oo haween ah oo aan caddaan ahayn oo ka tirsan Koongareeska Mareykanka bilowgii bishan. Arrintaas oo iyana si weyn loogu dhaleeceeyay inay aheyd mid cunsuriyad ku salaysan.
Mr Trump ayaa waxa uu soo jeediyay in haweenkaasi ka tirsan Koongareeska – Alexandria Ocasio-Cortez, Rashida Tlaib and Ayanna Pressley, iyo Ilhan Omar, oo dhammaantood ah muwaadiniin Ameerikaan ah – ay tahay inay “dib ugu laabtaan halka uu dambiga degay” ee deegaannadii ay ka yimaadeen.
Maxaa sababay farriimaha Mr Trump?
Todobaadkii hore, Mr Cummings ayaa waxa uu ku qaadqaaday kusimaha Xoghayaha Arrimaha Gudaha Kevin McAleenan iyo xaaladda ay ku sugan yihiin dad muhaajiriin ah oo lagu hayo xarumo, xilli Koongareesku uu ninkaasi xogwareysanayay.
Hadallo kulkul oo ay isdhaafsadeen Mr McAleenan, ayuu Mr Cummings waxa uu ku dalbaday in “wax laga badelo” xaaladda xarumaha dadka lagu hayo.
Mr Cummings, oo ah xildhibaanka Koongareeska ee degmada 7-aad ee Maryland, ayaa waxa uu tilmaamay in maamulka Trump “uusan fahansanayn” qaabka uu ula dhaqmi lahaa muhaajiriinta.
Mar uu Sabtidii Twitter-ka farriimo soo dhigay Mr Trump ayuu u muuqanayay inuu bartilmaameedsanayay hadallada Mr Cummings.