War Deg Dega Daawo :- Waxa Xabsiga Loo Taxaabay Labo Xildhibaan Oo Ka Tirsan Golaha Deegaanka Degmada Gabiley

Gabiley(GNN)Wararka Hada Shabakada  Gabileynews Soo Gaadhaya Ayaa Sheegaya In Hada La Xidhay Xildhibaanada Kala Ah C.Qaadir Maxamed Faarax iyo Mustafe Sayid Abakor Oo Ka Tirsan Xildhibaanada Golaha Deegaanka  Degmada Gabiley,

Xildhibaanada La Xidhay Ayaa Daba Socota Kadib Markii Maalintii Shalay La Xidhay Isla Markaana  Xabsiga Hargeysa Loo gudbiyay 4 Xildhibaanada  Oo kala ah: Xildhibaan Mahdi Maxamed Xaashi, Xildhibaan Buraale Mawliid, Xildhibaan Xasan Axmed Dhagjar iyo Xildhibaan Iid Xasan.

Tirada Xildhibaanada Hada Xidhan Ayaa Ah 6 Xildhibaan Oo Ka Tirsan Golaha Deegaanka Degmada Gabiley,

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

Wali ma Cada Ujeedada Ka Danbeysa Xadhiga Xildhibaanada Balse Waxa Muqanaya  In Maalmihii Ugu Danbeeyay Ay Cirka Isku Shareertay Xaalada Siyasadeed Ee Magaalada Gabiley,Arinatasi Oo La Xidhiidha In Qaar Ka Tirsan Xildhibaanada Goalah Deegaanka Ay Qorsheynayaan In Ay Xilka Ka Tuuraan Maayerka Magaalada Gabiley Xili Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Ay Soo Saartay Amar Madnuucaya In La Qabto Kalfadhi Aan Caadi Aheyn Oo Xilka Lagaga Qaadayo Maayerada Dalka,

Shabakada Caalamiga Ah Ee Gabileynews Kala Soco Wararka Kaso Kordha Xadhiga Xildhibaanadan,

REPORTER JACFAR CAWIL HERERI

GABILEY.NET

 

 

Exit mobile version