“Waxa Xaqiiqo Ah In Dawladda Somaliya Ay Inoo Hayso Cadaawad Aad U Fog, Xukuumaddana Wada Hadalo Ayey Weli Daba Socotaa”

Siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed (Daamuur) oo ka mid ah hogaanka sare ee Xisbiga Waddani, oo u waramayWargeyska Geeska Afrikaayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Weynu ka war qabnaa in Kenya iyo Somaliya ay isku haystaan Badda,Dawladda Somaliya sidii looga baahna ugamay hadal, weynu ognahay Dawladda Kenya siday u gashay Wasiiradii iyo Xildhibaanadii Somaliya ka tirsanaa,iyadoo intaas oo jeer Somaliya loo bah dilay, haddana kamay dhiidhiyin, oo kamay damqan, balse waxay aad uga damqatay markii Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya uu qoray Dawladda Somaliland, markaas waxaa muuqata oo aan qarsoonayn in Dawladda Somaliya oo runtii aynu ognahay in ciidamo shiishiye ahi Muqdisho ku ilaaliyo in haddana ay Somaliland cadawaad fog u hayso, waxaana taas caddayn u ah sida aanay marnaba raali uga ahayn horumarkeena iyo wax kasta oo inoo soo kordha, mar haddii ay dawladnimadeena iyo dalnimadeena quudhi lahadayna wax wanaaga oo inaga dhexeeya ma jirto”.

Mar uu ka hadlaayey wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ayaa yidhi “Xukuumadda Somaliland waxay wali daba socotaa wada hadalo ay Somaliya la gasho, iyadoo ay caddahay in Dawladda Somaliya aanay wada hadalo diyaar u ahayn, maxaa yeelay hore ayaa wada hadalo loo galay, wixii lagu heshiiyeyna Somaliya ayaa ka baxday, waxaana aynu ogsoon nahay in Maamulkii Hawadeena ay toos ula wareegtay Somaliya, inay ka biyo diiday in DP World ay la wareegto Dekadda Berbera, inay qorsheysay inay hor istaagto deeqaha iyo mucaawinada Caalamka ee Somaliland, taas oo isku dayday in iyada loo soo mariyo, iyadoo sidoo kale isku dayday inay hawlaha Xajka in iyada loo daba fadhiisto, oo Muqdisho loo soo maro, iyada oo dacwad ka gudbisay Wasiirkii Ingiriiska ee dalkeena yimid, oo xitta Dawladda Somaliya waxay ka wado Sanaag Barri wax qarsoon maaha, ee Xukuumadda waxaa looga baahan yahay inay qaado talabooyin ay kaga hor tagayso, waxaana xaqiiqo ah in Dawladda Somaliya ay inoo hayso cadaawad aad u fog,horumarkeena iyo wax inoo soo kordha ma rabto, Xukuumaddana wada hadalo ayey wali daba socota, cid ku ogol oo wanaaga, horumarka iyo wax kasta oo ku soo kordha raali kala ah ayaa lala hadlaa, balse cid cadaw ku ah oo aan horumarkaaga ka xun lalama hadalo”.

Siyaasi Cabdilaahi Daamuur mar uu ka hadlaayey qaabka loo waajihi karo dagaalka diblamsaasiyadeed ee Somaliya waddo ayaa yidhi “Ma qarsoona Dagaalka Diblamaasiyada ee Dawladda Somaliya inagu wado, waxaan se anigu ku talinayaa in aad looga baaran dego sida lagu waajihi lahaa, waxaan kale oo aan anagu ku baaqi lahaa in la sameeyo Komishan balaadhan oo qadiyada Somaliland meel kasta gaadhsiiya, isla markaana ka hor taga isku day kasta oo Somaliya doonayso inay waxyeelo inagu soo gaadhsiiso”.

Mar uu ka hadlaayey Doorashada ayaa yidhi “Sida uu Guddoomiye Cabdiqaadir Jirde ayey wax yihiin, Xisbiga Waddani, mawqifkiisu waa cadaan, balse cidda khaldan wey iska caddahay, cidda aan rabin inay Doorasho dalka ka dhacdana wey iska caddahay, Xisbiga Waddani waa u diyaar inay Doorasho dalka ka dhacdo waxaanu diyaar u yahay inay Doorashada inoo qabtaan Komishan loo siman yahay”

GNet