Xukuumada Somaliland Oo Joojisay Shir Ay Ku Xidhiidhisay Soomaaliya Oo Jaamacada Hargeysa Lagu Qabanayey

Hargeisa(GNN):-Xukuumadda Somaliland waxa ay gabi ahaanba maanta joojisay shir lagu tilmaamay in uu ahaa Shirweynaha Dhallinyarada Soomaalida oo ay soo qaban qaabiyeen koox dhallinyaro ahi kaasi oo ay fududaynaysay Jaamacadda Hargeysa.

 

Ilo-wareedyo u dhuun daloola shirkan maanta xukuumaddu mamnuucaday oo ciwaankiisu ahaa “Shirweynaha Dhallinyarada Soomaalida” sida qorshuhu ahaa waxa uu ka qabsoomi lahaa Hoolka Shirarka ee Jaamacadda Hargeysa oo saacadihii ugu dambeeyey gabi ahaanba xukuumaddu albaabada isugu dhufatay.

Wararka laga helayo shirkan ayaa xaqiijiyey in ay xukuumaddu shirkan baajisay Gaar ahaan wasaaradda Arrimaha Gudaha iyada oo aan rasmi ahaan loo ogayn sababta keentay in wakhtigan la joojiyo iyada oo muddooyinkii dambe oo dhan hawsha qabashada shirweynahani soo socotay sidoo kalena ay ku casuunaayeen oo ay dadka shirkaasi ka qayb galaya ka mid ahaayeen wasiirro xukuumadda ka tirsani.

Sida ku cad Mareegta internet-ka ee shirweynahan ujeedadiisu waxa ay ahayd ka faa’iidaysiga fursadaha, Layli-shaqo iyo guud ahaan horumarinta dhallinyarada waxaana furitaanka shirka ku qornaa sida jadwalka shirka ka muuqata wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Boos Mire Maxamed, sidoo kale wasiirkii hore ee Macdanta iyo Tamarta Xukuumaddii Siilaanyo Xuseen Cabdi Ducaale, masuuliyiin isugu jira ururradda Bulshada iyo aqoonyahanno kale, waxaana sidoo kale Mareegta ajandaha shirkan ka muuqda in ay fikirka Mashruucan aasaastay haweenayda lagu magacaabo Saamiya Cabdirisaaq balse aan la ogayn wax ay xukuumadda Muuse Biixi ka urisay wakhtigan.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in xukuumadu hore u ogolaatay qabashada shirkan isla markaana ay la socotay dhaqdhaqaaqiisa iyada oo haatan lays waydiinayo sababaha xiligan keenay in la joojiyo furitaanka shirkaasi.