Boris Johnson iyo Trump oo kulan laba geesood ah yeeshay

Ra’isal wasaaraha Ingiriiska, Boris Johnson, ayaa Donald Trump ku boorriyay inuu suuqyada Maraykanka u furo badeecadaha Ingiriiska marka dalkiisu ka baxo Midowga Yurub.

Shir laba geesood ah oo ay ku yeesheen dalka France oo ay kaga wada qayb galayaan shir madaxeedka dalalka hodanka ah ee G7, ayaa Johnson ku cadeeyey inuu dalkiisu ka soo horjeedo dagaalka ganacsi ee dhex yaal Maraykanka iyo Shiinaha.

Todobaadyadii la soo dhaafay, waxa uu xiriir diblomaasi oo aad u wanaagsan u dhexeeyay Boris Johnson iyo Donald Trump, xiriirkaasi oo sii socday ilaa maanta ay labadaasi hogaamiye ku kulmaan shirka G7.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in Mr Johnson uu noqon doono ra’iisal wasaare weyn, isla markaana uu yahay ninka ku haboon ee Britain ka saari kara Midowga Yurub.

Waxa uu sidoo kale saadalaiyay in labada dal ay dhawaan gaari doonaan heshiis dhanka ganacsiga ah oo aad u ballaaran kadib marka ay Britain ka baxdo Midowga Yurub.

Mr Johnson ayaa ugu hambalyeeyay Trump dhaqaalaha Maraykanka, balse waxa uu ku booriyay inuu si shaac baxsan ugu furo suuqa dalkiisa alaabaha Britain sida hilibka ariga, doofaarka iyo shirkadaha maraakiibta.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in Trump uu u caddeeyay in hay’adda caafimaadka Britain ee NHS aanay sinnaba ugu jirin arimaha ganacsi ee ay kawada xaajoonayaan.

Mr Johnson ayaa sidoo kale u sheegay Trump in Britain ay kasoo horjeedo dagaalka dhanka ganacsiga ee u dhexeeya Maraykanka iyo Shiinaha, taa bedelkeedana ay UK taageersan tahay heshiis ganacsi.