Khasaaraha Ka Dhashay Roobab Daybaylo Wata Oo Caawa Fiidkii Ka Da’ay Hargeisa iyo Khasaaraha Ilaa Hadda La Xaqiijiyey.

Hargeisa(GNN):-Khasaare iskugu jira dhimasho iyo burbur hantiyeed ayaa ka dhashay roob dabayl xoogan watay oo goor dhawayd ka da’ay magaalada Hargeysa.

Ilaa hada waxa la xaqiijiyey dhimashada sadex qof oo iyo burburka hanti iskugu jirta guryo iyo baabuur oo uu sababay roobkan dabaylaha xoogan watay ee ka da’ay magaalada Hargeysa.

Qaar ka mid ah guryaha magaalada Hargeysa ayuu roobku dumiyey kuwaas oo iskugu jira daaro iyo guryo jiingado ah, halka uu baabuurtana ku dumiyey boodhadhka culus ee laga taago hareeraha wadooyinka caasimada.

 

Hogaan ku xigeenka gaadiidka ee ciidamada dab-demiska Maxamed Xasan ayaa Hadhwanaagnews u xaqiijiyey in roobkani sababay dhimashada sadex qof oo rayid ah isla markaana ay jiraan hawl galo lagu baadi goobayo dad kale.

dhinaca kale Laamaha Amaanka oo Aanu Khadka Telefoonka Kula Xidhiidhnay Ayaa Noo Xaqiijiyey inay jiraan Dhimashada 3 qof iyo Dhawaaca in ka badan 15 qof oo loo qaaday cusbitaalka weyn ee hargeisa.

 

sidoo kale roobkan ayaa saamayn ku yeeshay korontada magaalada Hargeysa taas oo qaybo ka mid ahi dansan tahay maadaama oo ay dhaceen biraha lagu xidho xadhkaha.

Exit mobile version