Madaxwayne Bolsonaro Oo kasoo Hor-jeestay In Gurmad Caalami Laga Galo Dab ka Kacay Kaymaha Brazil.

Madaxwaynha Brazil Jair Bolsonaro ayaa ku gacan saydhay Hogaamiyeyaasha caalamka oo walaac ka muujinaya dabka ka kaca keymaha gobolka Amazon ee dalka Brazil, kuwaasoo ku baaqay in la badbaadiyo keemahaasi.

Xoghayaha guud ee QM, Antonio Guterres, oo ka mid ahaa madaxda walaaca ka muujisay dabkaasi ayaa sheegay in keymaha Amazon ay yihiin il muhiim ah oo laga helo maaddada Oxygen-ka, isla markaana ay tahay in la badbaadiyo.

Sidoo kale Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in arrintani ay tahay xaalad degdeg ah oo caalami ah, isagoo hal ku dhig uga dhigay gurmadkan “Gurigeenna wuu gubanayaa” balse madaxweynaha dalka Brazil Jair Bolsonaro ayaa hadalkaasi ku gacansaydhay, isagoo ku eedeeyay Mr Macron inuu wado faragelin qaawan islamarkaana uu ku hadlayo luqaddii gumeystaha.

Kooxaha deegaanka u ololeeya ayaa dabkaasi keymaha ka kaca ku eedeeyay siyaasadda madaxweynaha Brazil ee diirada saareysa koboca dhaqaale ee gobolka. Waxay sheegeen inuu madaxweynuhu ku dhiirrigeliyay beeraleyda in keymaha ay ka sameystaan beero.

Madaxwayne Bolsonaro ayaa sidoo kale Hay`adaha ajnabiga ee ku sugan dalkiisa ku eedeeyay inay gubeen keymaha , si ay dowladiisa u carqaladeeyaan.

Sikastba aha ahaatee baaxaadda uu gaarsiisan yahay dabka ayaa muujinaya in boqolkiiba 80 ay sanadkan korortay dabka inta badan ka kaca kaymaha Brazil.