Maleeshida Gooni U Goosadka ah Oo War kasoo Saaray Dagaal ay kula Wareegeen Cadan.

Maleeshiyaadka gooni ugoosadka ah ee taageerada ka hela dowlada Imaaraadka Carabta ayaa la wareegay inta badan magaalada Cadan oo xarun u aheyd dowlada caalamku aqoonsan yahay ee Yeman.

Hoggaamiyaha dhaqaaqa gooni ugoosadka ah ee Yemen, ayaa sheegay inuu diyaar u yahay ka qeyb galka wada-hadallo Sacuudiga uu marti-gelinayo, kadib markii dagaal uu la galay ciidamada dowladda Yemen taageera, uu tobaneeyo qof ku dilay magaalada Cadan.

Aidarus al-Zubaidi oo ah hoggaamiyaha Golaha Ku-meel Gaarka ah ee Koonfureed ee loo soo gaabiyo STC ayaa sheegay inuu diyaar u yahay xabad-joojin laga hir-geliyo Cadan, halkaasi oo ciidamadiisa ay qabsadeen madaxtooyada iyo xarumaha ciidanka.

Ciidamada uu hoggaamiyo Aidarus al-Zubaidi ee doonaya in Koonfurta Yemen ay hesho madaxbanaani ayaa toddobaadkii tagay dagaal xooggan la galay ciidamo daacad u ah dowladda.

Labadan dhinac, ayaa shanti sano ee tagay waxaa taageerayey isbahaysiga ay hoggaamiyaan Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ee dagaalka kula jira Xuutiyiinta taageerada ka hela Iran.

Aidarus al-Zubaidi ayaa sheegay in dagaalkii dhacay toddobaadki tagay uu ka dhashay “daan-daansi” ka yimid ciidamada daacadda u ah madaxweynaha dibad joogga ku ah Riyadh ee Abedrabbo Mansour Hadi.

Dowladda Yemen ee madaxweyne Hadi ayaa ku eedeysay jabhadda STC iyo Imaaraadka Carabta inay qaadeen “afgambi” ayada ka dhan ah.