Maxaa Kala Qabsaday Ayesha Malik Iyo Priyanka Chopra

Jilaaga caanka ah ee u dhalatay dalka Hindiya ee lagu magacaabo Priyanka Chopra ayaa lagu tilmaamay in ay tahay laba wajiile,kadib qoraal ay bishii Febraayo soo dhigtay barta ay ku leedahay Twitter-ka, xilli uu sii xoogeysanayo qilaafka u dhaxeeya Pakistan iyo Hindiya.

Eedeynta loo Jeediyay ms Chopra ayaa timid intii lagu guda jiray xaflad looga hadlayay waxyaabaha la isku qurxiyo oo lagu qabtay Sabtidii magaalada Los Angles ee dalka Mareykanka.

Ayesha Malik oo ah gabar Mareykan ah asal ahaansa ka jeeda Pakistan ayaa ku eedeysay Priyanka Chopra in ay dhiiri galisay ciidanka Hindiya, si uu dagaal u dhexmaro labada dal ee daris wadaaga ah.
Ms Malik oo sii hadleysay ayaa sheegtay in aysan dooneyn in ay tagto munaasabada balse ay maqashay ms Chopra oo dhaheysa, waan in aan jeclaanaa dariskeena Pakistaan.
Priyanka Chopra oo jilaa ah ayaa sanadkii 2016-kii qaramada midoobay u magacowday danjire ka shaqeeya arimaha Bani Aadanimada.
Dalalka Pakistan iyo Hindiya oo ku yaal qaarada koonfureed ee aasiya ayaa todobaadyadii la soo dhaafay qilaafkooda uu isoo tarayay taasi oo ka dhalatay xayiraada ay Hindiya ku heyso muslimiinta gobolka Kashmiir.