Maxaa ku dhici kara dal xildhibaanadiisa aysan dumar ka mid ahayn?

“Ma ahan wax caadi ah inay aad u sii xoogaysanayso dhibaatooyinka ka dhanka ah dumarka. Ma ahan wax caadi ah inaysan jirin dumar ka qayb qaadanaya sharci dajinta ama go’aan qaadashada,” Ayey tiri Yasmin Bjornum oo ka mid ah dadka u ololeeya arrimaha dumarka.

Baarlamanka dalka ay ka soo jeedda waxa ka soo baxa 52 xubnood.

Dhammaan xildhibaannadan waa wada rag, dalkan ayaa ka mid ah saddexda dal ee aanan lahayn xildhibaanno dumar ah.

“Arrimaheenna iyo waxa aan rabno laguma matalin xubinta sharci dajinta ee ugu sarreysa dalka,” Ayey tiri Bjornum.

Hilda Lini

Marka ay dumarka ku biirayaan siyaasadda waxa ay kala kulmaan dhibaatooyin badan, iyada oo odayaal dhaqameedyada ay weli ku xooggan yihiin siyaasadda dalka gaar ahaan bulshada ku nool dhanka miyiga.

Dhammaan dadkan waxaa hoggaaminaya rag, waxayna badanaa go’aan ka gaaraan qofka u tartamaya kursiga xildhibaanka.

Lini waxay ahayd haweenaydii ugu horreysay ee Vanuatu ka noqoto xildhibaan 1987-dii, waxay xilka haysay muddo 11 sano ah, waxayna ka mid tahay shanta dumar ee abid xilal ka qabtay dalkan.

Waxa ay sheegtay inay dalka u horseedayso saamayn xun haddii aysan dumarka ugu jirin baarlamaanka,”Waxa ay ragga ku qaadatay muddo 9 sano ah inay la yimaaddan hal xeer oo quseeya dumarka” sharci xakamaynayo arrimaha xadgudubka iyo tacaddiga qoysaska ayaanan weli la meel marinin.

Federated States of Micronesia iyo Papua New Guinea ayaa ah laba dal oo ay dumarkooda baarlamaanka ka tirsanayn.

Suuqa Nambawan

Balse dumarka Vanuatu ayaa hadda dadaal ugu jira sidii ay uga hortagi lahaayeen sinnaan la’aanta ka jirta qaybaha muhiimka ah ee dowladda.

Xadgudubyada ka dhanka ah dumarka

Yasmin Bjornum,

Vanuatu waxaa ku nool dad gaaraya 275,000 waxaana la sheegay inay xadgudubyada ka dhanka ah dumarka ay aad u sarreeyaan.

“Saddexdii gabdhoodba mid ka mid ah waxaa loo geystaa xadgudub ka hor inta aysan gaarin 15 sano,” Ayey tiri Bjornum.

Dhibaatooyinka ay wajahayaan dumarkan ayaa sida ay sheegeen aanan helin waxqabad fiican.

Siyaadda mustaqbalka

.

Balse waxa laga yaaba inuu isbadel yimaado mustaqbalka.

Waxa jira koox dumar ah oo isku dayaya inay wax ka baddelaan xaaladda hadda jirta, waxay isku dayayaan inay billaaban xisbi kaliya oo ay ku midaysan yihiin dumar oo ay ugu magac dareen xisbiga dimuqraadga ee Leleon Vanua.

Xisbigan oo ay madax ka tahay Hilda Lini, ayaa waxay ku tala jiraan inay dhisaan baarlaamaan ay boqolkiiba 50% ka yihiin dumar.

“Waa inaan isku dayno sidii aan wax uga badeli lahayn xaaladda hadda jirta inaga oo ilaalinayno xuquuqda qof walba,” Ayey tiri.

Xisbiga ayaa ku raja weyn in dumar badan ay u tartami doonaan xilal muhiim ah oo kala duwan.

Rajada mustaqbalka

Hilda Lini iyo xubno kale ee ka tirsan xisbiga

Sida ay sheegeen goob joogayaal ku sugan deegaanka, dumar badan ayaa muujinaya rabitaanka isbaddel cusub ee dhanka siyaasadda iyo bulshada.

Lini waxa ay ku raja weyntahay inay haatanba la joogo “wakhtigii isbaddelka” 50% oo ka mid ah xildhibaanada waa inay dumar noqdaan si sharci u hiillinaya shacabka gaar ahaan dumarka loo meel mariyo.