Somaliland: Murrashaxiinta Golaha Wakiilladu rejjo ma ka qabaan in 2019-ka qabsoonto Doorashadu?

Arragtida Murrashaxiinta ee Heshiiskii Xisbiyada ee fashilmay, muranka Saami-qaybsiga iyo cida yeellanaysa masuuliyada dib u dhac mar kale ku yimaada Doorashada…Muuqaal iyo Qoraal

Hargeysa(GNN)-Somaliland waxa marar badan dib u dhacay qabsoomida Doorashada Golaha Wakiillada oo markii u horaysay u muddeysanayd bishii September 2010-ka.

Sanadkan ayaa markii u dambeeyey loo asteeyey in ay qabsoonto Bisha December, laakiinse waxa muuqata in aanay suurtogal ahayn, marka la eego duruufaha kala duwan ee ku gedaaman.

Doorashadan marba dib u dhacaysa waxa u sharaxan in ay Kuraasta Baarlamanka fadhiistaan tobanaan Murrashax oo ay qaarkood xisbiyada Qaranka ku jiraan, kana qayb-qaateen Olollihii Doorashada Madaxtinmada ee dalka ka qabsoontay sanadkii 2017-ka.

Murrashaxiintaasi badankoodu waxa kale oo ay kaalin libaax ka soo qaateen hirgelinta Diwaan-gelinta codbixiyeyaasha ee la qabtay ka hor Doorashadii madaxtooyada, waxaana sababta ay isugu lurreen ay ahayd in marka Doorashada Baarlamanka la qabto aanay waayin codbixiyeyaal ku filan.

Kharash badan ayaa kaga baxay Murrashaxiinta qaarkood Olollihii wacyigelinta iyo agaasinka kaadh qaadashada muwaadiniinta, kuwana iyagoo xisbiyaddooda la shaqaynaya ayey tacab badan geliyeen.

Axmed Cabdi Ibraahim waxa uu kamid yahay Murrashaxiinta u taagan Golaha Wakiillada ee mar kale rejjo la’aantu kaga jirto in ay qabsoonto Doorashadu dhamaadka sanadkan, wuxuuse aaminsan yahay in ay ugu dambeyn dhici karto Doorashadu sanadka 2020-ka, isagoo sababtana ku tilmaamay in uu heerka u diyaar-garowgu gaabis yahay.

Sidaana waxa uu ku sheegay waraysi uu siiyey Barmaamujka Todobaadka iyo Somaliland oo ka baxa Telefishanka Kalsan, waxaanan halkan idiinku soo gudbinaynaa Waraysigaas oo dhamaystiran.

Halkan hoose ka Daawo:

Todobaadkii la soo dhaafay Murrashax u taagan Maayirka Caasimada Hargeysa Doorashada Golaha Deegaanka, Siciid Cabdi Cudhay oo  ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, ayaa sheegay in ay xisbiyada ka dalbanayaan waraaqaha aqoonsiga Murrashaxnimo si ay cadaadis u saaran Baarlamaannada fadhiya oo ay Kuraasta uga riixdaan, waxaanu yidhi “haddii uu sharcigu shaqayn waayo, sharci-darrada ayaa sax noqon doonta”ayuu u sheegay Wariyeyaasha.

Murrashax Siciid Cabdi Cudhay: waxaa loo baahan yahay Caddaalad iyo in sharcigu shaqeeyo..”

Waxa uu si adag u dhaliillay in uu fashilmay Heshiiskii ay saddexda Xisbi gaadheen ee ahaa in la kordhiyo Guddida Doorashada iyo in si wadajir ah looga shaqeeyo geedi-socodka qabsoomida Doorashooyinka.

Laga soo bilaabo 1991-kii Somaliland waxa ka dhacay shan doorasho madaxweyne iyo laba Doorasho Xeer-dejiyeyaal, iyada oo uu Golaha iminka fadhiyaa yahay Golihi koowaad ee lagu doortay nidaamka codbixiyeyaasha hal qof iyo hal cod, halka golihii ka horeeyey uu ahaa mid lagu doortay hannaan xulasho oo qabali ah.

Exit mobile version