Wariyaal iyo Askar Ilaalada Axmed Madoobe Oo Kamid Noqday Baarlamaanka Cusub Ee Jubbaland.

Guddiga doorashooyinka maamulka Jubbaland ayaa xalay magaalada Kismaayo uga dhawaaqay liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Jubbaland, waxaana liiskan ku jira xubno aad ugu dhaw dhaw Mid kamid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha.

Inta badan Xildhibaanada lasoo xulay ayaa la sheegay in ay u badan yihiin xubno aad ugu dhaw dhaw Madaxweynaha Jubbaland iyo sidoo kale dad kale oo ka shaqeenayay hay’adaha kala duwan ee maamulka Jubbaland.

Xildhibaanada waxaa ku jira askar horey ilaalo ugu aheyd Axmed Madoobe, waxaa sidoo kale ku jira dad kale oo ka shaqeeya Qasriga Madaxtooyada u ah iyo sidoo kale xubno kale oo kamid ah saaxiibada Musharax Axmed Madoobe.

Waxaa sidoo kale Xildhibaanada cusub ee Xalay looga dhawaaqay magaalada Kismaao ku jira Wariyaal caan ka ahaa magaaladaasi kana shaqeenayay Telefishinka Jubbaland uu leeyahay maamulka uu Hogaamiyo Axmed Madoobe iyo xubno kale oo baraha bulshada ka taageeri jiray Axmed Madoobe.

Dadka siyaasada falanqeeya ayaa rumeesan in ay iska cadahay natiijada kasoo bixi karta doorashada hadii ay wax dooranaaan Xildhibaanadan xalay guddiga doorashooyinka uga dhawaaqeen magaalada Kismaayo .

Odayaasha dhaqanka ee Jubbaland ayaa lagu amray in ay soo gudbiyaan halkii kursiba sadex musharax si hal xubin guddiga uga soo xulaan, waxaana Xildhibaanada la xulay dhamaan yihiin kuwii uu keensaday raaligana ka ahaa Hogaamiye Axmed Madoobe.

Musharaxiina kasoo horjeeda Axmed Madoobe ayaa qaadacay Xildhibaanadan xalay looga dhawaaqay Kismaayo, waxa ay iyagana guddi ay magacawdeen saakay ku dhawaaqeen Liiska Xildhibaano ay sheegeen in ay noqonayaan kuwa Jubbaland.