Xidhiidhka Kubada Cagta Oo Soo Saaray Ganaaxyo Culus Oo Ay Duldhigeen Xulalka Degmooyinka Axmed Dhagax Iyo 31-ka May

Hargeysa(GNN):-Xidhiidhka kubada cagta soamliland ayaa soo saaray ganaaxyo uu duldhigay kooxaha kubada cagta ee degmooyinka Axmed Dhagax iyo 31-Ka May ee magaalada Hargeysa.

Xidhiidhka kubada cagta ayaa war saxaafadeed ay soo saareen waxay ku soo bandhigeen go’aano ay ganaaxyo ku dhigeen xulalka degmooyinka Axmed Dhagax iyo 31-ka May, waxaanay go’aanadaasi u dhignaayeen sidan:-

Ku: Maamulka Degmadda 31 May
Ku: Maamulka Degmadda Axmed Dhagax
Og: Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland
Og: Isu-duwaha Gobolka Maroodi-jeex ee WDH&Ciyaaraha
Og: Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha WDH&Ciyaaraha
Og:Agaasimaha Guud ee WDH&Ciyaaraha JSL

Ujeedo: GO’AAN DACWADEED:

Annaga oo tix-raacayna labaddii Dacwadood ee nooga kala yimid Degmadda Axmed Dhagax iyo Degmadda 31 May, taariikhdu markay ahayd 18 August, 2019 labadda maamul ee labadda Degmo.

Kadib markii aanu Baadhis, Wareysiyo iyo Dhaarin baddan oo kala duwan la yeelanay cid kasta oo ay nala gashay oo ay khusaysay, waxaa ugu dambeyntii noo cadaatay arrimahan hoos ku xusan:

1. In Degmadda 31 May ay u ciyaareen ciyaartoy aan ka tirsanayn (Deganayn) Degmadda oo la yidhaahdo Cadnaan Cabdiqani Xuseen oo degan Degmadda Axmed Dhagax, gaar ahaan xaafadda Axmed Gurey.

2. In goolhayaha Degmadda Axmed Dhagax ee magaciisu yahay Shaafici No: 26 uu gacan ka hadal u geystay Tababaraha labaad ee Degmadda 31 May.

Sidaas darteed, waxaanu Dacwadaas labadda dhinacba ka soo saarnay go’aanaddan:

1. Ciyaartii Dhex-martay labadda Degmo ee 31 May iyo Axmed Dhagax in dhibcihii ciyaartaas laga qaaday Degmadda 31 May, la siiyeyna Degmadda Axmed Dhagax. Kadib markii ay cadaatay inuu ciyaaray ciyaartoy aan ka tirsanayn (Deganayn) Degmadda 31 May, sidaasna uu dhigayo qoddobka 16-aad sharcigga Tartanku.

2. Goolhayaha Degmadda Axmed Dhagax uu ka maqnaan doono (La ganaaxay) ciyaarta ugu soo horeysa ee ay la yeelan doonaan Degmadda 26 June.

Fiiro gaar ah: Labadda Degmaba waxaa u furan inay Racfaan ka qaataan go’aankan muddo 12 saacadood guddahood ah, sidaasna uu dhigayo sharcigga Tartanku.

Wabilaahi Tawfiiq.

Guddida Anshaxa iyo Dacwaddaha ee XKCSL:

1. Sacad Maxamed Shire
2. Cismaan Madar Samatar
3. Axmed Muxumed Xirsi
4. Sahra Xasan Cigaal