Boqorka hogaamiya qowmiyadda ugu badan ee dalka Koonfur Afrika ayaa ku taliyay in xiniinyaha laga tumo islamarkaana dhufaan laga dhigo ragga lagu helo inay gaysteen falal kusfi ah oo mudooyinkii denbe qalalaaso ka abuuray dalkaasi.
Boqorka qabiilada Zulu Goodwill Zwelithini ayaa soo jeediyay in qaabkan tumista xiniiyaha ay soo afjareyso falalkan kufsiga islamarkaana loo adeegsado si aduunka loo tuso in qabiilka Zulu uusan inaba raali ka aheyn fadeexaddan ku soo badanaysa Koonfur Africa.
Boqorka ayaa sheegay in hawgalada ka dhan ka ah xiniinyaha ay fulin doonaan raga beelaha uu boqorka u yahay, waxaana uu hadalkan ka sheegay dabaaldeg ka dhacay dalkaasi.
Hadalka Boqorka ayaa imaanaya xilli walaac laga muujinayo falalka kufsiga ah ee loo geeysto haweenka ku nool Koonfur Afrika taas oo si weyn loo hadal hayo, waxaana falalkan kufsiga mudo sanad ah Koonfur Afrika loogu gaystay in ka badan 41,000 haween ah
Sidoo kale madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa Isagoo ka hadlayay baarlamaanka toddobaadkii lasoo dhaafay, ku tilmaamay dhacdooyinka la xiriira kufsiga ee ka dhacaya dalkiisa inay ka daran yihiin kuwo ka dhaca dalalka ay ka taagan yihiin dagaalada sokeeye.
Sikastaba ha ahaatee Boqorka Zulu ayaana la hayn awood siyaasadeed balse waa nin saameyn weyn ku leh dalkaas, kaasoo hogaamiya qowmiyadda ugu badan Koonfur Afrika.