Hay’ada IOM Oo Gudaha Hargeisa Ka Bilowday Qorsheyaal Dhagaraysan,+Documentiyo Bulshada Loo Qaybiyey Oo Lidi Ku Ah Khariirada Qaranka Somaliland.

Hargeisa(GNN):-Hay’ada Iom oo Kamida Haayadaha Ka hawlgala gudaha dalka Somaliland ayaa tababar ay soo agaasintay oo lagu sheegay (Somalia joint intiative returnees) Oo Macnaheedu yahay Somalia oo si wadajir ah dib loogu soo celinayo kusoo bandhigay documentiyo cadayna in khariirada Somaliland iyo Somalia ay yihiin hal dal oo kaliya islamarkaana aaney jirin habayaraatee xuduud iyo meel u dhaxaysa oo kala qaybsi labada dal, waxaana sidoo kale aan hal meel lagu arkin bushqadaha waraaqaha ah ee ay bulshada u qaybiyeen meel ay kusoo qaadeen ama ay kagaga qoran tahay Jamhuuriyada  Somaliland.

Tababarkan oo ay ugu talogaleen inay ku ku qabtaan gudaha caasimada hargeisa oo ay kasoo qaybgaleen dadweyne tiro badan ayaa hal mar ka biyo diiday qorshahan dhegaraysan ee ay waday hay’ada Iom, taas oo amakaag ku noqotay shacabkii ku sugnaa madasha hotelka maansoor iyo xubno ka socoday Hay’ada Qaxootiga u qaabilsan Somaliland, waxaana intaasi kadib qaar kamida dadweynaha reer Somaliland ee loo qaybiyey documentiyada oo arrintaasi aad u cadho galisay ayaa suxufiyiin usoo bandhigeen sida wax u dhaceen iyo waraaqaha loo qaybiyey.

SI AAD U AKHRISATO WARBIXINTAN OO FAAHFAAHSAN GUJI SAWIRKAN HOOSE OO KUGU HAGAYA ILO WAREEDKA AANU KASOO XIGANAY.


 

Hargeisa Somaliland

Gabiley News Network