Itoobiya: Waxaan qabannay rag weerarro argagixiso ka fulin rabay waddankeenna

Dowladda itoobiya ayaa shaacisay shaqsiyaad ay sheegtay iney ka tirsan yihiin Alshabaab iyo Daacish oo ay laamaha ammaanka dalkaasi soo qabteen.

Warbixin dadkaasi la qabtay ku saabsan oo laga sii daayey warbaahinta dowladda Itoobiya ayaa lagu sheegay in Xubnahaasi ay damacsanaayeen iney falal argagaxiso ka fuliyaan gudaha dalkaasi.

Xubnahan ayaa la sheegay in laga soo qabtay magaalooyinka Addis Ababa, Jigjiga, Diridhaba iyo Mooyaale.

Waxaa xubnaha la qabtay ku jira dad u dhashay waddamada Soomaaliya, Yemen iyo Suuriya.

Warbixin ay soo saartay Laanta sirdoonka Itoobiya ayaa lagu sheegay iney laamaha ammaanku qabteen shaqsiyaad ka tirtsan ururrada Al-shabaab iyo daacish oo ay laanta sirdoonku sheegtay iney u diyaar garoobayeen sidii ay falal argagixiso oo khasaare weyn geysta uga fulin lahaayeen gudaha dalka Itoobiya.

Laamaha ammaanka iyo kuwa sirdoonka oo in muddo ah ku daba jiray shaqsiyaadkaasi waxay sheegeen iney ugu dambeynti ku guuleysteen iney soo qabtaan.

Waxay qorsheynayeen, sida ay sheegtay laanta sirdoonka Itoobiya, iney weerarradooda ku bartilmaameedsadaan goobaha ay dadka isugu yimaaddaan, macbadyada iyo huteellada waaweyn iyaga oo xog uruurin ballaadhan horay u sameeyey.

Saraakiisha ayaa sheegay iney raggan dhaqdhaqaaqyadooda la socdeen laga billaabo marka ay Jabuuti ka soo galayeen ilaa ugu dambeyna qaarkood lagu qabtay xaafadda Bole ee magaalada Addis Ababa.

.

Xubnaha la qabtay qaarkoodna waxaa lagu qabtay magaalada Hargeysa ee Somaliland.

Waxay shakhsiyaadkan inta aan gacanta lagu soo dhigin koontooyin ka furteen bangi ku yaalla dalka Itoobiya, waxaana markii dambe lagu qabtay lacag ka badan 2.5 milyan oo birr.

Warbaahinta laanta sirdoonka ee dowladda Itoobiya ayaa raggan ku qeexday xubno uu soo dirsaday ururka IS, oo marar badan ku hanjabay inuu weerarro ka geysan doono Itoobiya.

Mar sii horreysayna wasaaradda gaashaandhigga ee dalkaasi Itoobiya waxay sheegtay iney qabqabatay kooxo lid ku ahaa amniga dalkaasi.

Madaxa xafiiska wasaaradda gaashaandhigga Gaashaanle Tasyaye Ayalew toddobaad ka hor wuxuu BBC u sheegay in xubno looga shakiyey iney ururrada Al-shabaab iyo daacish ka tirsan yihiin lagu qabtay magaalooyinka Jigjiga, Dirdiahab, Mooyaale iyo Doolow.

Wuxuu sarkaalkan intaas ku daray in xubnaha ay qabteen ay yihiin kuwo af Amxaariga la soo baray si ay howlaha dalka Itoobiya ka fulinayaan ay ugu fududaadaan.

Laanta sirdoonka Itoobiya waxay sheegtay in xubnaha la qabtay lala qabtay dhammaan qalabki ay u adeegsan lahaayeen howlihi ay damacasanaayeen.