Madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dalalka xubnaha ka ah golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ka codsaday inay dalkiisa ku taageeraan tartanka kursiga aan joogtada ahayn ee lagu matalayo Afrika.
Geelle ayaa qeyb ka mid ah khudbaddiisa uu ka jeedinayay shir madaxeedka golaha loo dhan yahay ee qaramada Midoobay kusoo qaatay sida ay Jabuuti ugu baahan tahay inay hanato kursigaas, inkastoo ay loollan adag kala kulmeyso dowadda Kenya.
“Mudane madaxweyne kulanka 74-aad ee uu golaha loo dhan yahay yeelan doono bisha June ee sanadka 2020 waxaa lagu dooran doonaa shanta dal ee xubnaha aan joogtada ahayn ee golaha amniga kuwaasoo shaqeyn doona muddada u dhaxeysa 2021-ka ilaa 2022-ka. Mid ka mid ah kuraastaas waxaa loo qoondeeyay qaaradda Afrika, markanna sida ay qaaraddu isku afgaratay, waxaa kursigaas buuxin doona wadan ku yaalla bariga Afrika. Sida uu dhigayo xeerka midowga Afrika, shaki kuma jiro in Jabuuti ay ka mid tahay musharraxiinta ururka ugu matalaya tartanka kursigaas golaha amaanka, muddada 2021 ilaa 2022. Xeerka wuxuu dhigayaa in waddan kasta oo ku yaalla qaaradda Afrika, ha yaraado ama ha weynaado, waxay xuquuq siman u leeyihiin inay xubin ka noqdaan golaha amniga iyo dhammaan guddiyada kale ee Qaramada Midoobayba. Dowladda Jabuuti waxay si xushmad leh ugu baaqeysaa dhammaan dalalka xubnaha ka ah golaha inay taageeraan musharraxnimada Jabuuti ee kursiga golaha amniga”.
Hadalka Madaxweyne Geelle ayaa muujiyay sida ay Jabuuti uga go’antahay inaysan Kenya uga tanaasulin tartankaas.
Shacabka Jabuuti ayaa sidoo kale hadalka madaxweynahooda uga qancay walaac laga muujinayay in Jabuuti ay kursigaas u dhaafeyso Kenya, maadaama ay magaalada New York ku kulmeen Geelle iyo dhiggiisa dalka Kenya, Uhuru Kenyatta.
Madaxweynaha Masar Cabdifataax El-Sisi,oo ah guddoomiyaha midowga Afrika, ayaa kulansiiyay labada madaxweyne.
Hardanlka u dhaxeeya Kenya iyo Jabuuti ayaa isbuucyadii lasoo dhaafay gaaray meel qallafsan, wuxuuna khalkhal galiyay xiriirka diblomaasiyadeed ee labada waddan.
Xiisadda ayaa billaabatay ka dib markii ay Kenya 37 cod ka heshay midowga Afrika, sidaasna ay ku noqotay musharraxa kursiga golaha amniga, halka Jabuuti ay codeyntaas ka heshay 13 cod oo kaliya.
Hase yeeshee natiijadaas Jabuuti kama horistaagin inay sii wadaan dadaalka ay ugu jiraan sidii ay kursigaas ku hanan lahaayeen.
Mugdiga soo kala dhex galay xiriirka Diblomaasiyadeed ee Kenya iyo Jabuuti
Kenya ayaa dhawaan ka carootay hadal kasoo yeeray wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti, kaasoo sheegay in Kenya aysan u qalmin kursigaas, isagoo ku eedeeyay inaysan “amni u horseedi karin gobolka”
Wasiirka arimaha dibedda ee Jabuuti Wasiir Maxamuud Cali Yuusuf oo kulan la yeeshay safiirrada ajnabiga ah ee dalkiisa ku sugan kala hadlayay arinta la xiriirta musharraxnimadooda kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka, ayaa sheegay in Jabuuti ay u baahan codadka dalalkaasi.
“Jabuuti waxa ay qiyaaseysa inay ku saxan tahay dadaalkeeda ku aaddan kursiga Golaha ammaanka. Waxa aan u bahanahay taageraada dalalkiina ee ku saabsan musharraxnimadeena”, ayuu yiri wasiirka.
Hase yeeshee wuxuu intaas ku daray inaan Kenya lagu aamini karin kursiga ay u tartamayso ee golaha ammaanka, maadaama sida uu yiri uu khilaaf xooggan kala dhexeeyo Soomaaliya, ayna khatar weyn ku tahay dalkaas.
Wasiirka ayaa sheegay in Khilaaf diblomaasiyadeed oo salka ku haya muranka xuduudda badda uu u dhaxeeyo Soomaaliya iyo Kenya, sidaas awgeedna aysan Kenya u qalmin in kursiga golaha amniga ay ku fariisato.
Kenya oo si kulul uga jawaabtay eedeynta uga timid Jabuuti
Mas’uuliyiinta Kenya oo u muqday inay aad uga caroodeen hadalka wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti ayaa sheegay in uusan sax ahayn.
Aadan Barre Ducaale, oo ah hoggaamiyaha aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya, kana mid ah saraakiisha sar saree e xisbiga talada dalka Kenya haya ayaa si kulul uga jawaabay hadalkii kasoo yeeray Jabuuti.
“Hadalkii kasoo yeeray wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti, walaakey Maxamuud, ee uu ku sheegay in Kenya aan lagu aamini karin nabadgalyada gobolka, waa mid nasiib darro ah, waa mid khalad ah, sababtoo ah Kenya ilaa markii ay xornimada qaadatay waxay ahayd waddan ka shaqeeya nabadda iyo xasiloonid”, ayuu yiri Aden Bare Ducaale oo Wareysi siiyay Laanta Afsoomaaliga ee BBC-da
Wuxuu intaasi ku daray in ilaa 40,000 oo ciidamo ay dibedda u dirtay Kenya si ay qeyb uga noqdaan nabad ilaalinta caalamka.
“Waxaan ka qeyb galnay dib u heshiisiinta waddamada Suudaanta Koonfureed, Somaaliya, Namibia, Sierra Leone, Liberia ilaa DRC. Waxaan qeyb ka nahay waddamada uu Mareykanka ka midka yahay ee dagaalka kula jira ururrada argagixisada iyo Burcad badeedda”, ayuu yiri Ducaale.
Tartanka ayaa u muuqda mid natiijadiisa la ogaan doono marka ay bisha Juun ee sanadka dambe dhaceyso doorashada shanta waddan ee xubnaha aan joogtada ahayn ka noqon doona golaha amaanka.