Q/Midoobay Oo Taageertay Hadal ka soo Yeeray Kooxda Xuutiyiinta Yemen,

Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweeysey qorshe nabadeed oo ay soo bandhigeen kooxda Xuutiyiinta Yemen ee Iran taageerto, kaasoo ah inay joojinayaan weerarrada ay ku hayaan Sucuudiga.

Qoraal Xuuthiyiintu baahiyeen ayaa lagu sheegay in ujeedada soo jeedintoodu tahay fursad nabadeed oo horseedi karta in dagaalka la soo af-jaro.

Ergeyga Q/Midoobey ee u xilsaaran dalka Yemen Martin Griffiths ayaa sheegay in qorshahan Xuuthiyiintu soo baxay todobaad ka dib markii dayuuradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalo lagu weeraray Ceelasha saliidda Sacuudiga ee Abqiiq iyo Khurays.

Fallaagadaas ayaa sheegtay inay iyagu weerarkaa qaadeen, laakiin Maraykanka iyo Sucuudiga ayaa labaduba Iran ku eedeeyey. Hase ahaateen Tehran way beenisay in ay ku lug lahayd.