Sheekh Shariif Oo Laga Hor joogsaday Inuu U Duulo Kismaayo.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ahna hoggaamiyaha xisbiga Himilo Qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo xubno la socda ayaa muddo saacado ah ku xayirnaa groonka dayuuradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, isagoo doonayey inuu u duulo magaalada Kismaayo.

Dhacdadan ayaa ku soo beegantay iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay maanta xayiraad cusub saartay Diyaaradaha tegaya magaalada Kismaayo, si loo carqaladeeyo Caleemo saarka Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Wararka laga helay Garoonka Muqdisho ayaa sheegaya in saraakiisha Garoonka ay diideen in Sheekh Shariif uu u safro magaalada Kismaayo, iyadoo la hor istaagay dayuuradii qaadi lahayd.

Wadahadal iyo dood dheer kadib ayaa waxaa loo ogolaaday inay duusho dayuuradii Kismaayo ku sii jeeday iyadoo aanu la socon Sheekh Sharif, balse waxaa taas diiday maamulka Jubbaland, iyagoo diyaaradda u sheegay inaysan Kismaayo imaan karin, haddii aanu la socon Sheekh Shariif.

Hoggaamiyaha Xisbiga Himilo Qaran ayaa la sheegay inuu ka yimid dalka Turkiga, isagoo doonayey inuu ka qeyb galo xafladda caleemo saarka Axmed Madoobe oo 24ka bishan lagu qabanayo magaalada Kismaayo.