Ciraaq Oo Fariin Adag Oo Filan Waa Ah U Dirtay Maraykanka.

Ra’isul wasaaraha dalka Ciraaq Caadil Cabdi Mahdi ayaa sheegay in Milatariga Mareykanka ee ka baxaya waqooyi Suuriya aysan heysan ogolaansho ay ku sii joogi karaan dhanka Ciraaq.

Mr Caadil ayaa sheegay in ay mari doonaan wadiiqo kasta oo caalami ah Joogitaanka ciidanka Mareykanka ee ku sugan dalkan Carbeed.

Hogaamiyaha Ciraaq ayaa hadalkaan ka sheegay war saxaafadeed uu saaray Arbacada maanta ah kadib kulan uu kula qaatay magaalada Baqdaad xoghayaha difaaca Mareykanka Mark Esper.

Mr Esper ayaa booqasho aan horay loo sii shaacin maanta ku tagay dalka ciraaq oo ka mid wadamada Mareykanka ciidamada ka Joogaan.

Wasiirka difaaca ayaa dhankiisa sheegay in ciidankooda uu sii joogi doono ciraaq si ay ula dagaalamaan kooxaha Argagixisada gaar ahaan dagaalyahanada la magac baxay dowlada Islaamka ee Daacish.