Jabuuti Iyo Soomaaliya Oo Shir Deg-deg Ah Ku Baaqay Xilli Khilaafka Ururka IGAD Uu Sii Xoogeystay.

Hargeisa(GNN):-Jabuuti Iyo Soomaaliya Oo Shir Deg-deg Ah Ku Baaqay Xilli Khilaafka Ururka IGAD Uu Sii Xoogeystay.

Sida ay xaqiijiyeen illo wareedyo diplomaasiyadeed Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa kulan deg-deg ah isugu yeedhayo Xubanaha urur Gobolleedka IGAD.

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa doonayo inuu kulankaan deg-deg ah dhaco ka hor inta aan lagu dhawaaqin cidda noqoneyso Guddoomiyaha Urur Goboleedka IGAD.

Waxaa jiro khilaaf xoog leh oo ka taagan cidda qabaneyso xilalka habsami u socodka howlaha Urur Goboleedka IGAD, waxaana isku saf noqday Dowladaha Itoobiya iyo Kenya halka Soomaaliya iyo Jabuutina ay isku dhinac noqdeen.

Dowladahaan ayaa si gaar ah iskugu heysto cidda qabaneyso xilalka Guddoomiyaha guud ee ururka IGAD iyo xoghayaha Fulinta oo hadda loo magacaabay Warkeneh Gebeyehu oo u dhashay dalka Itoobiya.

Soomaaliya ayaa dooneysay inay hesho xilka xoghayaha fulinta ee IGAD oo shalay loo magacaabay Warkeneh Gebeyehu oo Itoobiyaan ah, halka Dowladda Jabuuti ay rabto inay hesho xilka Guddoomiyaha ururkaan.

Xilka Guddoomiyaha Ururka Goboleedka IGAD ayaa la filayaa in la siiyo Kenya sida ay u badan tahay waana midda ay sida weyn uga soo horjeedaan dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo hadda rabo inuu qabsoomo kulan deg-deg ah oo arrintaas lagaga hortagayo.

Dowladaha Itoobiya iyo Kenya ayaa si xirfadeysan u hirgelinayo qoshaha ay damacsan yihiin, mana jirto illaa hadda dowlad si rasmi ah uga hadashay khilaafka xooggan ee ka dhex jiro Ururkaan.

Xubnaha Ururkaan ku jiro lama ogo inay aqbali doonaan kulanka ay dalabadeen Soomaaliya iyo Jabuuti.

 

Hargeisa Somaliland

Gabiley News Network